Itoobiya iyo Shiinaha oo wacad ku maray inay xoojinayaan iskaashiga milateri

0
1132

Beijing (Hargeisa Press)- Saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Itoobiya iyo Shiinaha, ayaa ballanqaaday inay sii xoojinayaan iskaashiga milateri.

Wefdi heer sare ah oo ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), Field Marshal Birhanu Jula, ayaa ka qeyb galay shirka 11-aad ee Beijing Xiangshan Forum.

Madasha 11-aad ee Xiangshan ee Beijing waxaa ka soo qayb galay in ka badan 100 wadan iyo ururo iyada oo halku dhigiisu yahay: “Horumarinta Nabadda ee Mustaqbal la Wadaago.”

Waxaana munaasabadda sanadkan lagu soo bandhigay doodo xasaasi ah oo ku saabsan amniga caalamka, xasiloonida gobolka, iyo tignoolajiyada cusub ee difaaca.

Field Marshal Birhanu waxa uu wadahadalo la yeeshay General Liu Zhenli, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Dhexe ee Milateriga Shiinaha (CMC) ahna Madaxa Shaqaalaha ee Waaxda Wadajirka ah ee Shaqaalaha CMC.

Intii uu socday wadahadalku, waxay labada dhinac ku heshiiyeen inay iska kaashadaan dhinacyada dagaalka Jiilka Shanaad (5GW), wareejinta tignoolajiyada, agabka ciidamada iyo tayaynta ciidamada.

Saraakiisha ugu sareysa ciidamada ee labada dal, ayaa sidoo kale wacad ku maray in ay sare u qaadi doonaan iskaashiga milateri ee labada dhinac, sida lagu sheegay bogga xidhiidhka bulshada ee ENDF.

Waxaa intaa dheer, Field Marshal Birhanu iyo Zhenli waxay saxeexeen Heshiis Isfaham (MoU) si ay u rasmiyan ballan-qaadkooda oo ay ugu turjumaan ficil ahaan.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Shiinaha, Tefera Derbew, ayaa muujiyay in ka qaybgalka weftiga sare ee milateriga ee madasha iyo kulammada dambe ee labada dhinacba la filayo inay xoojiyaan awoodda ciidamada difaaca Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here