Itoobiya iyo Ingiriiska oo ka wadahadlay iskaashiga ammaanka

0
1097

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladaha Itoobiya iyo Ingiriiska, ayaa maanta waxaa ay ka wadahadleen sidii ay kor ugu qaadi laheen iskaashigooda dhinaca ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Federaalka Itoobiya General Demelash Gebremichael, ayaa maanta la kulmay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Darren Welch.

Kulankan, ayaa waxa ay labada dhinac isku dhaafsadeen fikrado ku saabsan suurta-galnimada in taageero la siiyo xarunta Red Fox Center oo ay ka aas aasan yihiin Booliska Federaalka Itoobiya si loo yareeyo ka ganacsiga dadka iyo xarunteeda dambi baadhista oo dhismaheedu socdo, dhinaca agabka iyo tayaynta iyo khibrad wadaaga.

Komishineer General Demelash waxa uu iftiimiyay in ay meesha ka baxday wada shaqayntii xooganayd ee ka dhaxaysay komishanka Federalka Itoobiya iyo Hay’adda dambiyada qaranka UK.

Danjire Welch, ayaa dhankiisa caddeeyay sida ay UK uga go’an tahay inay Itoobiya ka taageerto dhinacyada ammaanka.

Labada dhinac, ayaa ku heshiiyey inay kala saxeexdaan heshiis is afgarad ah oo dhexmaray Booliska federaalka Itoobiya iyo Hay’adda baadhista danbiyada qaranka ee UK, si kor loogu qaado wada shaqayntooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here