Isuduwaha Cusub Ee Caafimaadka Gobolka Gabiley Oo Si Rasmi Ah Xilkii Ula Wareegay .

0
838

Gabiley, (HargeisaPress) —  isku Duwihii hore caafimaadka gobolka gabiley ciise sheikh maxmuud oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Isuduwaha Cusub Ee loo soo Magacaabay Gobolkan Gabiley waxa xafladan ka soo qayb galay Badhasaab ku XIgeenka Gobolka Gabiley , Mayaar ku XIgeenka gobolka Gabiley , Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deeganka gabiley iyo Laamaha Caafimaadka gobolka gabiley

Hadal Isuduwihii hore ka jeediyey xafladan oo wax uu ku sheegay in uu qanacsanyahay bedaalda xilka laga bedalay isla markaana wax uu sheegay soo dhaweyn   doono masuulkan cusub lana shaqayn doona aqoonta uu u leeyahay gobolkan iyo waayo aragnimadiisi caafimaadba wax kale uu isuduwuhu sheegay in halkan ay taallo hawl badan oo u baahan in wax laga qabto hawshaasina inay adiga ku sugayso sidii aad halkaa uga wadi lahayd, waxa kale oo intaa ku daray in xilkaa aad qaaday ilaahay kugu asturo oo aad noqoto mid gobolkan iyo dhamaan bahda caafimaadku u aayaan taariikh fiicana gobolkan ku yeesha, waxa kale oo halkaas ka hadlay madaxdii kale ee ka soo qayb gashay xafladan iyagoo dhamaan u mahad celinaya isuduwihii hore isla markaana kan cusub ugu duceeyey in ilaahay xilkaa la garab gallo hawshan u qaban doonana u sheegay inay wixii dhinacooda wax badan kala qaban doonaan.

 

Waxna hadalkisa ku darsaday masuulkan cusub dr. jimacaale daahir cumar in shaqada meesha taalla in uu wax badan ka qaban doono isla markaana uu u diyaar yahay wax ka qabshada xaalada caafimaad ee ka jirta gobolka, wax uu intaa ku daray in xilkan loo magaacbay uu isagu ku xusan yahay lkn dhamaan bahda caafimaadka gobolka gabiley xilkan la hayaan wax badana kala qabtaan hawshan gobolka taala, dr jimcaale waxa uu xilkaa kula wareegay soo dhaweyn iyo waliba iyadoo loo baahi qabo dhaakhaatiir cusub oo hawshan gobolka halkaas ka wada.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here