“Isma waafaqsana Wareegtada Madaxwaynuhu Mushaharka ugu kordhiyay Ciidanka iyo Miisaaniyadda waxaa ku Qoran…” Xildhibaan Xirsi Cabdillaahi

0
20

Hargeysa (HargeisaPress)- Madaxwenaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xeer madaxweyne oo uu maanta soo saaray ku dhaqan-geliyey mushahar-kordhin loo samayn doono Ciidammada kala duwan ee Qaranka, kaddib marka lagu sameeyo diiwaangelin rasmi ah oo ku muddeysan muddo 30 maalmood ah.

Madaxweynaha oo xilligii uu mucaaradka ahaa ballan-qaaday inuu boqolkiiba 250 kordhinayo mushaharka Ciidamada muddo-xileedka uu joogo, waxa uu wareegtada ku sheegay in miisaaniyadda sannadkan 2025 uu ciidamada ugu kordhiyey boqolkiiba 50 mushaharka ay qaataan.

Haddaba, waxa arrintan ka hadlay Xildhibaan Xirsi Cabdillaahi oo sheegay inaanay is-waafaqsanayn mushahar kordhinta madaxweynuhu xeerka ku dhaqan-geliyey iyo mushahar-kordhinta ciidamada ee ku xusan Miisaaniyadda Dowladda ee 2025 oo xilligan hortaala Golaha Wakiillada.

“Waan soo dhawaynayaa wareegtada madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee kordhinta mushaharka ciidanka oo dhan 50%. Miisaniyada Golaha Wakiilada hortaala waxaa ku qoran kordhin 10% kali ah, isma waafaqsana wareegtada madaxweynaha iyo miisaniyada 2025. Iswafajin iyo sixid ayey uga baahantahay Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanka Xirsi Cabdillaahi oo ka mid ah mudaneyaasha Xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay Gobolka Saaxil.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here