Isku-duwaha W. Caafimaadka Buuhoodle Oo Kormeeray Xarumaha Caafimaad Ee Degmooyinka Gobolkaasi

0
502

Buuhoodle (HP): Isku-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Buuhoodle Dr. C/raxmaan Xasan Siciid, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay kormeer shaqo ku soo maray degmooyinka gobolka Buuhoodle.
Isku-duwaha waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay saraakiil ka socday wasaarada caafimaadka ee heer gobol iyo heer qaran iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday haayadda HPA.

Waxaanay isku-duwaha caafimaadka iyo masuuliyiinta kale ee la socday ku soo mareen kormeerkoodda qaar ka mida ah xanaanooyinka, cusbitaalka guud ee magaaladda Buuhoodle iyo cusbitaalka guud ee degmadda Widh-widh.
Weftigani ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Xanaanoyinka degmada Buuhoodle sida xarunta dhexe ee MCH-ka Buuhoodle, Naado MCH iyo Handa2 MCH, oo dhamaantood ba ku yaalla magaaladda Buuhoodle.
Weftigan uu hogaaminayay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Buuhoodle Dr. C/raxmaan Xasan Siciid, waxay soo kormeereen xarumaha caafimaadka ee degmadda Qorilugud, iyo MHC-ka Qorilugud, iyo sidoo kale MCH-ka degmadda Widh-widh.

U jeedadda kormeerka isku-duwaha iyo xubnaha kale ee la socday ayaa la xidhiidhay u kuur galka habsami u socodka shaqada caafimaad ee degmooyinka gobolka Buuhodle.
Geesta kale isu-duwaha caafimaadka Buuhoodle ayaa booqasho ku tagay xarunta TB ee magaaladda Buuhoodle, iyo xarunta TB ee degmadda Widh-widh.

Dr. C/raxmaan Xasan Siciid, isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Buuhoodle, oo kormeerkaasi ka warbixinayay ayaa sheegay in ay rejaynayaan in guud ahaan gobolka Buuhoodle ay wax weyni iska bedalaan xaaladiisa caafimaad.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here