Tehran (Hargeisa Press)- Iran, ayaa ka fiirsaneysa inay xidho marin biyoodka Hormuz, sida ay ku warantay wakaalada wararka Iran ee IRINN, iyadoo soo xiganeysa xildhibaanka muxaafidka ah Esmail Kosari, iyadoo khilaafka kala dhaxeeya Israel uu sii xoogeysanayo.
Talaabadan, ayaa keeni doonta in qiimaha saliidda uu sare u kaco waxayna halis u tahay in uu balaadhiyo dagaalka.
Haddaba waa maxay marin-biyoodka istaraatiijiga ah iyo sababta ay muhiim ugu tahay ganacsiga caalamiga ah?
Hormuz waa marinka kaliya ee badeed laga galo Gacanka Faaris. Waxa ay kala qaybisaa Iran oo dhinac ah iyo Cumaan iyo Imaaraadka Carabta oo dhinaca kale ah, waxaanay isku xidhaa Gacanka Faaris iyo Gacanka Cumaan iyo Badda Carabta ee Badweynta Hindiya.
Sida laga soo xigtay Maamulka Macluumaadka Tamarta ee Mareykanka, qiyaastii 20 boqolkiiba isticmaalka saliidda adduunka ayaa mara marinka cidhiidhiga ah, taas oo ay wakaaladu ku tilmaantay “goobta ugu muhiimsan ee marinka saliidda ee adduunka”. Meesha ugu cidhiidhiga ah, waa 33km (21 mayl) balac ah, laakiin marinnada maraakiibta ee marin biyoodka ayaa xitaa cidhiidhi ah, taasoo ka dhigaysa inay u nuglaadaan weerarada iyo hanjabaadaha in la xidho.
Intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 1988-kii colaaddii Iiraan iyo Ciraaq oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo labada dhinac ah, waxay labada waddan bartilmaameedsadeen maraakiibta ganacsi ee Khaliijka, dagaalkaas oo loo yaqaanay Dagaalkii Haamaha, balse Hormuz marna ma xidhmin.
Dhawaan, 2019, afar markab ayaa lagu weeraray, meel u dhow marinka xeebta Fujairah ee dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Mareykanka, intii lagu guda jiray doorashadii ugu horreysay ee Donald Trump. Washington ayaa ku eedeysay Tehran inay ka dambeysay dhacdada, balse Iran ayaa beenisay eedeymahaas.
Weerarada dariiqyada maraakiibta, ayaa muddo dheer loo isticmaalay in cadaadis lagu saaro iyada oo ay jirto colaad. Tan iyo markii uu dagaalka Qaza ka qarxay. Xuutiyiinta Yemen waxay weeraro ku qaadayeen maraakiibta ku xeeran marin biyoodka Bab al-Mandeb oo ah marinka laga galo Badda Cas ee dhanka kale ee Jaziiradda Carabta.
Iyadoo ololaha Xuutiyiintu uu saameeyay ganacsiga caalamiga ah, maraakiibtu waxay ka fogaan karaan badda cas iyagoo u socdaalaya hareeraha Afrika – safar dheer laakiin ammaan ah. Si kastaba ha ahaatee, ma jirto qaab lagu soo dejiyo wax badda ah oo ka baxsan Khaliijka iyada oo aan la soo marin Hormuz.
Xataa wadamada aan shidaalka ka keenin wadamada khaliijka, ayaa saamayn ku yeelan lahayd hadii la xidhi lahaa batroolkaasi sababtoo ah hoos u dhaca weyn ee sahayda ayaa kor u qaadaya qiimaha foosto kasta ee suuqyada caalamka.
Inkasta oo uu xildhibaanka Iiraan hanjabaaddaasi jeediyay, haddana ma cadda in Iran ay awood u leedahay ama ay doonayso inay xidho marin-biyoodka.
Tillaabadan noocan oo kale ah ayaa hubaal ah in ay ka aargoosan doonto Mareykanka, kaas oo hantida badda ku leh gobolka.
Ka dib markii Israa’iil ay bilowday mowjado weeraro ah oo ka dhacay guud ahaan dalka Iran subaxnimadii hore ee jimcaha, oo ay ku bartilmaansatay hogaamiyayaasha millateriga, dhismayaal la deggan yahay, saldhigyada ciidamada iyo goobaha nukliyeerka, Iran ayaa ku jawaabtay boqollaal gantaal oo ballistic ah.
Inkasta oo Mareykanku gacan ka geystay soo ridida gantaalada Iran, Washington si toos ah uma weerarin Iran. Saraakiisha Mareykanka ayaa carabka ku adkeeyay in Washington ayna ku lug laheyn duqeynta Israel.
Tehran ma ayna bartilmaameedsan ciidamada Mareykanka ama danaha gobolka, sidoo kale.
Si kastaba ha ahaatee, xidhitaanka Hormuz, waxay ku dhufan doontaa dadka Mareykanka jeebka waxayna dhalin kartaa jawaab milateri oo ka timaada Trump.
In kasta oo tallaabada Iran ee ka dhanka ah cidhiidhiga laga yaabo in aanay soo dhowaan, haddana faallooyinka Kosari ayaa hoosta ka xariiqay in weerarrada marinnada maraakiibta ay tahay kaadh ay Tehran ciyaari karto iyada oo ay colaaddu socoto.
Bishii April 2024, ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa qabsaday markab konteenar ah meel u dhow marin biyoodka Hormuz iyada oo ay jirto xiisad sii kordhaysa oo gobolka oo dhan ah ka dib markii Israa’iil ay weerar ba’an ku qaadday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, Suuriya.
Weerar xaddidan oo Iran ay ku qaadday Israa’iil oo ay uga jawaabayso ayaa waxa ku xigtay mid Israa’iil ku qaadday Iran. Waagaas, waxay ahaayeen kuwii ugu cuslaa ee ay si toos ah isu weydaarsadaan labada col.
Shabakadda HargeisaPress ayaa warbixinta warkan ka soo xigatay Warbaahinta Aljazeera English