Ilhaan Cumar oo ka falcelisay qorshaha lagaga tarxiilayo Mareykanka

0
946

Washington (Hargeisa Press)- Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa ka  hadashay arrimo xasaasi ah oo ku aadan qorshaha la doonayo in lagaga soo tarxiilo gudaha dalka Mareykanka, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Ilhaan Cumar, ayaa si weyn uga fal-celisay qaraar dhowaan la diyaariyay oo ah in xil ka xayuubin lagu sameeyo kadibna loo masaafuriyo Soomaaliya oo asal ahaan ay ka soo jeedo, iyada oo arrintaas ku tilmaamtay inay tahay riyo maalmeed.

Waxaa kale oo ay soo hadal qaaday xiisadda u dhaxaysa xubnaha aadka u mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka iyo iyada, taas oo sii xoogaysaneysa waxayna Mareykanka ay u siman yihiin iyada iyo Elon Musk oo ah maalqabeen xubin ka ah xukuumadda Mareykanka.

Hadalkan, ayaa yimid iyadoo xildhibaanno Mareykan ah wadaan qorshe la doonayo in lagu musaafuriyo Ilhaan oo muddo dheer uu xifaaltan kala dhaxeeyey Madaxweyne Trump, laakinse hadda xubno kale ay ku soo biireen.

Wareysi ay bixisay oo qayb yar oo ka mid ah ay soo galisay barteeda X ayay ku sheegtay in iyada iyo xoghayaha waaxda cusub ee dhawaan la aasaasay ee waxtarka xukuumadda Elon Musk, ay labadooduba yihiin “laba qof oo muhaajiriin ah, laakinse aan wax badan ka baran sharciga dalka”.

“Aniga iyo Elon waxaan labadeennaba muhajiriin ku nahay dalkan, waxayna u eeg tahay in qofkeenna aanu isku dhibin inuu barto shuruucda dhulkan. Gabi ahaanba waa xuquuqda dastuuriga ah ee dadka inay xuquuq leeyihiin iyadoo aan loo eegin meeqaamkooda” ayay tidhi Ilhaan Cumar.

Sidoo kale, waxay sheegtay in aanay xaq dastuuri ah u lahayn maamulka Donald Trump in ay tarxiilaan ama qaadaan dadka sida sharciga u jooga Dalkaas, waxa ay tilmaamtay in loo baahanayo shuruudo badan oo haddii laga soo gudbo dadka la qaadi karo.

“Waxaan leenahay nidaam la maro, waxa aan leenahay talaabooyin la isku hubiyo. Waxa aan ognahay in marka dadka loo diyaarinayo tarxiil, inay tahay in ay hor tagaan xaakimka socdaalka” ayay tidhi.

Waxaa kale oo ay intaasi sii raacisay “Waxaan ognahay inay tahay in aad hesho ruqsad soo qabasho oo uu saxeexay xaakimka socdaalka ka hor inta aadan aadin in aad qof soo xidho. Dhamaantood arrimahaas waa xogta ay dadku doonayaan inay ogaadaan, kumana noolaan karno meel la iska indhatiro isku xukunka sharciga, oo aan iska indha tirayno nidaamka la maro, oo aan abuurayno jawi cabsi leh”. ayay tidhi Ilhaan Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here