Washington (Hargeisa Press)- Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota, ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso dacwad xil ka qaadis ah oo ka dhan ah saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, kuwaas oo lala xidhidhinayo sir dhawaan la faafiyay.
Sirta la shaaciyay, ayaa daaha ka rogtay wadahadalo qarsoodi ah oo u dhexeeyay madax ka tirsan dowladda Mareykanka, kuwaas oo si gaar ah uga dooday weerarrada Yemen.
Xubnahan, ayaa la sheegay inay cadho ka muujiyeen taageerada Mareykanku siiyo xulafadiisa Yurub, iyagoo ku dooday in weerarrada Mareykanka ee Yemen ay sababi karaan kor u kaca qiimaha shidaalka.
Mareykanka ayay sheegeen in ay tani ka dhigayso mid difaacaya danta Yurub halkii uu ka ilaalin lahaa danihiisa gaarka ah.
Hadaba, lhaan Cumar, ayaa bartilmaameedsanaysa Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, Lataliyaha Amniga Qaranka Michael Waltz, iyo Agaasimaha CIA John Ratcliffe, sida ay sheegtay warbaahinta Axios.
Waxaana ay wadaa dadaallo ay ku kasbaneyso taageerada xubnaha xisbigeeda ee Dimuqraadiga, si ay dacwaddan uga gudbiso Aqalka Congress-ka.
Sirta banaanka usoo baxday
Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka, ayaa ka wadahadlay qorshayaal ciidan oo aad u xasaasi ah, iyagoo adeegsanaya group chat lagu abuuray App aan loo astayn xogta sirta ah, kaasi oo si khaldan loogu soo daray suxufi, sida uu Isniintii xaqiijiyay Aqalka Cad.
Brian Hughes, oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in fariimaha lagu shaaciyay warbixin gaar ah oo uu qoray Jeffrey Goldberg, tifaftiraha majalladda Atlantic, ay yihiin kuwo dhab ah. Waxa uu intaa ku daray in maamulka Trump uu baadhayo sida lambarkan khaladka ah loogu soo daray group-ka.
Lambarkaasi khaladka lagu soo daray, ayaa ahaa midka Jeffrey Goldberg, kaas oo warbixintiisa si faah-faahsan uga hadlay kulan muhiim ah oo siyaasadeed, kaas oo dhacay ka hor hawlgal ciidan oo dhacay March15, kaas oo lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen.
Goldberg, ayaa sheegay in wadahadalka lagu soo daray isagoo adeegsanaya barta fariimaha qarsoodiga ah ee Signal, waxaana kusoo daray Michael Waltz, la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Donald Trump.
Sidoo kale, ka qayb-gelayaasha kale ee muuqday waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, xoghayaha Arrimaha Dibedda Marco Rubio, xoghayaha difaaca Pete Hegseth, agaasimaha sirdoonka qaranka Tulsi Gabbard, agaasimaha CIA John Ratcliffe iyo kaaliyeyaal kale oo sare, sida lagu sheegay warbixinta Atlantic.
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, ayaa ku sheegay wadahadalka inuu aaminsan yahay in maamulka Trump uu samaynayo “qalad” isagoo billaabaya hawlgal milateri oo Mareykanku ku tilmaamay mid furan oo ka dhan ah Xuutiyiinta.
Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa tilmaamay in kaliya boqolkiiba 3 ganacsiga Mareykanka uu maro kanaalka Suweys, halkaas oo Xuutiyiintu ay ku beegsadeen maraakiibta ganacsiga ee dhexmarta Badda Cas, isagoo sheegay inay jirto “khatar dhab ah oo ah in dadweynaha Mareykanku ayna fahmin sababta hawlgalku muhiim u yahay.”
Hegseth, ayaa ugu jawaabay isagoo sheegay inuu fahmayo walaaca Vance, kuna taageerayo inuu arrinta Trump kala hadlo.
Xoghayaha difaaca, ayaa sidoo kale xusay inay adag tahay in shacabka loo sharxo hawlgalka, sababtoo ah “dadku ma yaqaanaan cidda ay yihiin Xuutiyiintu,” wuxuuna soo jeediyay in shacabka Mareykanka lagu qanciyo in “1) maamulka Biden uu ku fashilmay joojinta weerarrada iyo 2) in kooxda ay maalgaliso Iran.”
Waxaa muuqday in tani ay ahayd tilmaan ku saabsan fashilkii maamulka Biden ee ka hortagga weerarrada Xuutiyiinta iyo taageerada muddada dheer ee Tehran siiso kooxdaas.
Si ka duwan Vance, Hegseth, ayaa soo jeediyay in tallaabo degdeg ah la qaado, isagoo sheegay inay jirto halis ah in qorshaha Trump uu bannaanka u soo baxo ama Israel ay marka hore weerarto kooxda, taasoo ka dhigaysa inay lumaan fursad ay ku bilaabaan arrintan sida ay iyagu doonayaan, sida uu sheegay Goldberg.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, Hughes, ayaa wadahadalka ku tilmaamay inuu yahay “caddayn muujinaysa heerka sare ee isku-duwidda siyaasadeed iyo wada-shaqaynta maamulka Trump uu ku fulinayay istiraatiijiyaddiisa amniga qaranka.”
Si kastaba, shaacinta xogtan ayaa isla markiiba dhalisay su’aalo ku saabsan sida maamulka Trump uu uga hadlay arrimaha sirta ah iyo haddii tallaabo anshaxeed laga qaadi doono qofkii ku lug lahaa.
Saraakiisha sare ee maamulka Trump, ayaa maalmahan ka digayay inay baadhitaan ku sameyn doonaan xog sir ah oo loo diray saxaafadda, iyagoo tusaale u soo qaatay warbixinno dhowr ah oo arrintan ku saabsan. Qaarkood ayaa sidoo kale muddo dheer dhaleeceynayay sida Dimuqraadiyiintu u maareeyeen xogta sirta ah xaalado hore.