Hormaynta Qalin-ma-koobaan: Diiwaanka Maansada Cali Mooge Geeddi (1960kii – 2003dii)

0
2405
Gorfayn Buug ama Diiwaanba ma aha. Aan idhaahdo labada hormayn ayuu u dhow yahay. Waa Diiwaanka Maansada Cali Mooge Geeddii oo Madbacadda ku jira ama bislaanayaba oo malahayga kar u hadhsan yahay. Waxaan is-idhi inta uu bislaanayo ee dherigu karayo waslad qalays ah oo lagu sii sugo uga sii saar, aniga oo ka baqaya in aad dhareerka ceshan weydaan.

Wuu ina hayaa

 

(coming soon)

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Hargeysa, 13/6/2015ka,

 

Qormada: 1aad

Waa ilaa 200 oo Bog. Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’ waxa ururiyay oo qoray Cabdalle Xaaji Cusmaan oo reer Jabuutiya, Cali Moogena ay saaxiibbo-rumaad oo shaqo-wadaag ah ahaayeen. Rag suugaanta si u wada dhandhamiya ayay ahaayeen. Kharashka daabacaaddana qayb ayuu Cabdalle Jabuuti ka soo qaaday. Waxa qoraalka tifaf-tiray oo isku-dubba-riday Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdibashiir) oo Sweden deggen. Isagana Ilaahay ha ka abaal-mariyo. Wax aan sidaa u sii badnayn waxa ka geystay aniga iyo Siciid Maxamuud Gahayr oo Hargeysa deggen. Annaga oo Cali Mooge Geddi iyo maansadiisaba qiimaynayna, magaalooyinkaas saddex xagalka ah ayaa diyaarintiisa la iskaga dab-qaaday.

 

Ma daabacaadda iyo halka ugu daran baa? Horto Sagaljet ayaa qiimo-dhimis wanaagsan noo samaysay. Intaa iskuma ay koobin e’, haddana dhiirri-gelin ayay noo samaysay oo kharashkii ayay qayb naqad ahaan u bixisay. Abaalka ugu weyn uguna culus waxa iska leh Ganacsade Cumar Caydiid. Isaga oo iska socda oo Salaama Bank gelaya ayaanu goor barqo ahayd joojinnay oo ka codsannay in uu gacan ka geysto daabacaadda Diiwaanka Cali Mooge Geeddi. Isaga oo aan dhankaa iyo dhankaa midna deyin ayuu nagu yidhi: “Sow Sagaljet ma aha?” Ha markii aan ku idhi lambarkaygii inta uu iga qortay ayuu iga ballan-qaaday in uu la hadli doono. Sidaas ayuu Ganacsade Cumar Caydiid ku bixiyay 50% kharashkii daabacaadda Diiwaanka Cali Mooge Geeddi. Isgana Ilaahay ha ka abaal-mariyo.

 

Intaasi, waa iga hor dhac iyo wasladdaa qalayska ah ee aan dheriga dabka saaran idiin ka soo saaray. Inta kale ee hawshan dhaxal-galka ah ka adeegtay waxaad ka daalacan doontan Bogga mahad-naqa ee Diiwaankan dhaxalka ma-guraanka ah noqon doona, idamka Ilaahay.

 

Waa qormo aad u kooban oo aan xus iyo xusuusba uga dhigayo hal-abuur da’ yaraa oo Ilaahay qaddaray in aanu in badan noolaan, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Magac ka-miskiin ma ahayn oo waxa loogu wan-qalay Cali Mooge Geeddi. Sannadkii 1960kii ayuu ku dhashay Daba-gorayaale oo ku yaalla xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Saddex-jir ayuu aabbihii ku dhintay. Hargeysa ayaa la keenay lix-jirkiisii. Intaa ka dib, waxa la geeyay magaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa sannadihii ugu dambeeyay noloshiisa isaga oo intaa ka dib ku soo noqday Hargeysa, kuna xijaabtay oo lagu aasay 2003dii.

 

Sida carruurta kale, Cali Mooge Geeddi wax fursad uma uu helin in uu malcaamado iyo dugsiyo ku galo. Waa la isku deyay yaraantiisii, bal se sida uu sheegay waa loogu taag waayay. Mar uu arrintaa waxbarashada ka hadlayay, wuxu yidhi:

 

Waxbarashowaalaiigutaagwaayeymarkaanyaraa.Waxbarashadawaxaankajeclaabaddaooaantagoooxayawaankayar-yareexeebta  ayaaninta aanururiyodaawanjiray.Waxakaleooaanyaraantaydiiaadiyoaadujeclaain aandaawadomakhluuqaadkaEebbeabuurayoodhanxitaadaruurahanain aandaawadoayaan jeclaa.

 

Taasiba waxbarasho kale ayay ahayd. Waa hubaal in uu Cali Mooge Geeddi, waxbarashadaa uu ka doortay tii loo badnaa si fiican uga soo baxay oo weliba darajooyinkii ugu sarreeyay ka gaadhay. Waxa u markhaati ah suugaantii cuddoonayd ee hodanka ahayd ee uu ka tegay oo ku keydsan Diiwaankiisa Qalin-ma-koobaan. Suugaan la yaab leh, qurux badan, hummaagyada hodan ku ah oo dacallada nolosha intooda badan taabanaysa. Cali Mooge Geeddi wuxu ka maansooday mowduucyo aanay asaaggii u-bir-dhigin..

 

Laba maanso oo weliba gabay ahi, kuma jiraan maansooyinka oo wuxu jeexay sohdin ay adag tahay sida lagu gaadhaa. Wiilkaa da’da yaraa ee aan nolol miyi arag ee magaalada Jabuuti ku koray, waxa la yaab leh heerarka uu ka gaadhay aqoonta afka Soomaaliga iyo curinta suugaanta. Gabayada Qalin-ma-koobaan oo Diiwaankiisan looga dhigay baadi-sooc iyo gabayga kale ee Gole-joog, waa ay adag tahay sida aad kula kulantaa cid heerarkaa ka gaadhay curinta maansooyinka iyo aqoonta noloshaba.

 

Gole-joog, wuxu ku taxayaa inta xayawaan dalkeenna ku noolaan jirtay ama badhkoodba immika ku nool yihiin oo hal gabay oo si walba u saxan una sugan la isugu keeenay. Cali Mooge Geeddi, gabaygiisan Gole-joog wuxu ku guud-marayaa 177 ka mid dugaag iyo duur-joog wixii uu geyigani qayb u helay ee astaanta u ahaa. Haddii aynu tixdaa godollo ka soo qaadanno, wuxu odhanayaa:

 

Shantaguunyolooagabbaree,galablasoohooyo,

Maroodigagondahaweyn lehiyo,gacankafoolkiisa,

WiyilganafkataagtiyoHalgeri,gobiyocaar-tiifle,

Gisiwaalifkaymaha  Gardool,loogugeliwaayay,

Farawgaadda-naaxiyoGunburi,gariyoxiisaanleh,

Saryangooni-daaqiyoBiciid,geeskuhadhinaayo,

GaranuugMaraadaaqahiyo,GoodirkiyoSiigga,

 

Cali Mooge Geeddi sida uu hodanka ugu yahay af Soomaaliga ee uu ugu wadh-adhay waa kaas xayawaanka uu soo qaadaba wax aan sidaa u badnayn kaaga iftiiminaya dabeecadihiisa iyo deegaanka uu ku nool yahay ama kuba xasiloba.

 

Bal hadda immikana aynu wax aan sidaa u sii badnayn ka soo qaadanno tuduc uu kaga hadlayo qayb kale, waxaanu yidhi:

 

Afaryo-addinleygeed kalulan,gebigajiilaalka,

Dabogaallegoojadametela,geelarimaydiisa,

IyoSoo-gurgeedahadhammaan,guullefahansiiyay,

Jir-jirroolegabangaabsiiyo,midablaguur-guura,

JilbisdabagamuuriyoAbguri,gaatirjidhifoobay,

 

Tuducanna, raxan kale ayuu ku soo qaadanayaa, ku-ye:

 

Odaygeeli-waaiyointiiguud,ku-jidhiflayah,

Ciir-lulaguhaankiyowakhtiga,gu’gatilmaamaysa,

Ursatiyo,Dameer-geesaliyo,Buurya-jabisgaara,

Macooyadasidiibiri-maggay,ubadkugaaryeelay

Iyogoob-xun-joogkaba-biroo,godoblarooraysa,

 

Intaa haddii aynu ka gudubno, bal immikana aan eegno tuduc ka mid ah kuwa uu u huray baalalleyda iyo haadda duushaba, waxaanu yidhi:

 

Xuurgolongoldheeroolafaha,gudubusiibaysa,

Geel-toosiyahaguuxaiyo,Gibilraqdiijooga,

Garbo-jebiyeQoor-muruxaiyo,GudurKulaanbayah,

Baqayahaxiniingeesinnimo,gaarisagasheegtay,

Galaydhkiyoshimbira-laayahoo,galangalshay-waal leh,

Yiligaaf-wareegiyodakano,goorwalbautaagan,

 

Gabayga kale ee Qalin-ma-koobaan isaga wuxu si la yaab leh oo farshaxannimo ku dheehan tahay ugu taxayaa dhirta dalkan ka bixi jirtay ama ilaa maantadaa aynu joogno ku sii raad-leh. Waa laba gabay oo aad u dhaadheer oo uu si farshaxannimo leh ugu taxayo geed iyo xayawaanba wixii uu dalkani qayb u helay. Bal ka warrama marka uu geed kasta iyo xayawaan kasta beyd ama tuduc gabay ah geliyo isaga oo xaraf-raaca iyo dhererkaba tix-gelinaya oo ixtiraamaya. Miyaanay wax la yaab leh ahayn. Waxa ka sii daran marka uu isaga oo ku hor jooga dusha ka akhriyo ee uu xubnaha jidhkiisa oo dhan ku soo tebiyo. Jidhiidhico ayaa kugu jajabaysa.

 

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here