Hoggaanka KULMIYE oo soo dhaweeyay haldoor iyo taageerayaal kasoo digo-rogtay UCID

0
1030

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hoggaanka sare ee xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa oo soo dhaweeyey haldoor iyo taageerayaal ka soo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa haldoorka iyo taageerayaasha ka soo digo rogtay xisbiga UCID ku soo dhaweeyay xarunta guud ee xisbiga ee magaalada Hargeysa.

Waxaana haldoorka iyo taageerayaashan ku soo dhaweeyay xarunta xisbiga Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere).

Haldoorka iyo taageerayaashan ka soo digo rogtay xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa waxaa hoggaaminayay xoghayihii hawlaha guud ee xisbiga UCID, Siciid Maxamed Aw Cismaan, horena uga mid ahaa murrashaxiinta golaha Wakiillada ee gobolka Maroodi-jeex, kuwaas oo ka soo digo-rogtay UCID, kuna soo biiray Xisbiga KULMIYE.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here