Hargeysa (Hargeisa Press)- Hoggaanka cusub ee Ururka Qareeanada Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay hoggaankii hore Ururka Qareenada Somaliland.
Munaasibada xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Cadaaladda, waxa ka soo qayb,galay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Yoonis Axmed Yoonis iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda Maxamed Cabdi Xaashi iyo ku xigeenka Garyaqaanka guud Mubaarik Maxamuud Falaag.
Cali siciid jaamac oo ahaa shir-guddoonkii shirwaynaha ururka, ayaa ka waramay sidii quruxda badnayd ee shirku u dhacay.
Guddoomiyihii hore ee Ururka Qareenada Xasan Cabdilaahi Cawaale, ayaa ka waramay isna waxyaabihii Ururka u qabsoomay mudadii uu joogay guddooomiyaha Ururkaas.
Guddoomiyaha cusub ee Ururka Qareenada Somaliland Xasan Cali Xasan Banfas, ayaa u mahad-naqay guddoomiyhii hore ee ururka Qareenada Somaliland, Wasiirka Cadaaladda iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi oo qayb ka qaatay qabsoomida shirweynihii ururka qareeanda iyo Hay’adda UNDP iyo madaxda kale ee ka soo qayb galay.
Mubaarik Falaag Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud, ayaa ku dardaarmay sida looga shaqayn lahaa horumarka ururka Qareenada Somaliland.
Cabdisalaan Yuuauf Faarax oo ka socday Hay’adda UNDP iyo Axmed Cabdi Siciid oo ka socday Ururka nootaayooyinka, Xildhibaan Mustafe oo ka mid ah golaha Guurtida, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa madashaasi ka jeediyay hadalo isgu jira soo dhawayn, sabootin iyo dardaaran.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis oo xilka u kala wareejiyey Guddoomiyihii hore ee ururka Qareenada Somaliland iyo Guddoomiyaha cusub ee ururka, ayaa soo dhawayn iyo mahadnaqa ka dib wuxuu xilkaasi si rasmi ah ugu kala wareejiyey hoggaankii hore ee ururka iyo hoggaanka cusub ee dhawaan loo doortay hoggaanka ururka ee sadexda sano ee soo socda.






















