Hay’adda Shaqaalaha oo fasax-gelisay shaqaalaha dowladda

0
919

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland, ayaa fasaxday shaqaalaha dowladda, munaasibadda Fasaxa Dhalashadda Nebi Maxamed (N.N.K.H) oo ku beegan beri oo Axad ah.

Waxa sidan lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa sidoo kale munaasibadda xuska dhalashada (N.N.K.H), darteed wuxuu hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha dowladda, ehelkooda, xaasaskooda iyo carruurtooda, waxaana uu u rajeeyay in ay ku gaadhaan sannadkan sannadkiisa, badhaadhe iyo nabad-gelyo waarta.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

“Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyada oo ka duulaysa Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr97/2022, Qodobkiisa 64aad, waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawliga ah, in shaqaalaha dawladdu fasax ka yihiin shaqada maalinta Axada 15 Septemper, 2024, oo ah xuska Dhalashada Nebi Maxamed, Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, kuna beegan 12 Rabiicul Awal 1446 ee Hijriga.

Haddaba, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, isaga oo ku hadlaya magaca Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo guud ahaan shaqaale-weynaha Qaranka JSL, Munaasibadda Dhalashada Nebi Maxamed (N.N.K.H) awgeed, waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha dawladda, ehelkooda, xaasaskooda iyo carruurtooda, waxaana uu u rajaynayaa in aynu ku gaadhno sannadkan sannadkiisa, badhaadhe iyo nabad-gelyo waarta.

Waxa shaqada dib loogu soo noqon doonaa maalinta Isniinta ee bishu tahay 16/09/2024.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here