Hargeysa: Xafladda Qalinjebinta Dufcadda 16-aad ee Jaamacadda Admass University + SAWIRRO

0
713

Hargeysa, (HargeisaPress) —Munaasibada qalinjabinta Jaamacadda Admass University ee dufcaddii 16aad ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay qalin jebinta ardaydaas waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, aqoon yahano, xubno ka socday madaxda xisbiyadda qaranka, siyaasiyiin, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Admas, waalidiinta ardayda qalin jebisay, Masuuliyiin ka kala socda dawladaha Somaliland iyo Ethiopia iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, oo xafladaasi ka hadlay ayaa u hanbalyeeyay ardayda qalin jebisay, waalidiintii ku soo tabcay, iyo macalimiintii wax soo barayay mudadii ay jaamacadda ku jireen.

Waxaanu yidhi “Waxaan hanbalyaynayaa maanta oo farxad ii ah, in qalin jabintii 16aad ee jaamacadda Admas aan joogno. Marka hore ardayda qalin jebiyay oo ay maalintoodii tahay waxaan leeyahay hanbalyo. Mustaqbal wanaagsan ayaanan idiiin rejaynayaa.

Waxa kaloo aan hanbalyaynayaa bahda jaamacadda Admas, maamulka, iyo macalimiinta, ee dedaalka badan soo geliyay in ay heerkan soo gaadhsiiyaan ardayda”.

Guddoomiyaha jaamacadda Admas Xuseen C/laahi Maxamuud, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay tiradda ardayda  jaamacadda ka qalin jebiyay, iyo heerarka waxbarasho ee ay qaateen.

Jaamacadda Admas ayaa magaaladda Hargaysa laga aasaasay sanadkii 2006-dii, waxaana mudadda ay shaqaynaysay ka qalin jebiyay arday aad u tiro badan, kuwaasoo qaarkood ay dalka madax ka yihiin.


 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here