Hargeisa (HP): Wasiir ku-xigeenka wasaarada Warfaafinta JSL Siciid Xasan Habane ayaa maanta saxafiyiin tababar uga furay magaaladda Hargaysa.
Tababar oo ku saabsan xalinta khilaafaadka ayaa waxaa iska kaashaday Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo haayadda UNSOM.
Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa loo qabtay suxufiyiin ka kala socday gobolada dalkan Somaliland.
Saxafiyiintaasi tababarka qaadanaya ayaa sidoo kale ka kala socda qaybaha kala duwan ee warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ka hawl galla Somaliland, iyo sidoo kale warbaahinta dawladda.
Furitaankii tababarkani waxaa ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Siciid Xasan Habane, guddoomiyaha ururka SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, ku-simaha madaxa haayadda UNSOM ee xafiiska Somaliland, iyo xubno ka tirsan hogaanka ururka SOLJA.
Tababarkaasi ayaa suxufiyiinta ka qayb gelaya lagu bari doonaa caaharro la xidhiidha xallinta khilaafaadka iyo raadinta xog-dhamaystiran.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Siciid Xasan Habane, oo tababarka si rasmiya u furay ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado aqoonta, iyo xirfadda saxafiyiinta.
Si ay u noqdaan kuwo ka dhisan ka soo waramida waxyaabaha la xidhiidha xalinta khilaafaadyadda, isla markaana warbixino waafi ah iyo xog dhamaystiran ka samayn kara arrimahaasi.
Wasiir Siciid Xasan Habane, ayaa ka qayb galeyaasha tababarka kula dar-daaramay in ay ka faa’iidaystaan mudadda uu socdo.
DAAWO: Hadal Jeedintii Wasiir ku xigenka Warfafinta JSL tababarka suxufiyiinta:
Sidoo kale guddoomiyaha ururka SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, ayaa isna ku booriyay saxafiyiinta tababarka loo qabtay in mihnadoodda shaqo ay ku dabaqaan casharrada ay tababarkan ku qaataan.
DAAWO: Hadal Jeedintii guddoomiyaha SOLJA ee furitaanka Tababarka
Geesta kale ku-simaha madaxa haayadda UNSOM ee xafiiska Somaliland Charles Muwunga, oo hadal ka jeedisay furitaanka tababarkaasi ayaa sharaxaad ka bixisay u jeedadda tababarkan loo qabtay.
Sidoo kale Charles Muwunga, ayaa ka hadashay xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya haayadda UNSOM, iyo ururka SOLJA.
DAAWO: Kalmada Charles Muwunga Ku simaha Madaxa Xafiiska UNSOM ee Somaliland:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.