Hargeisa (HP): Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta, iyo Arrimaha Bulshadda JSL ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka daah-furay xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta.
Kulankan oo socon doono muddo fhawt maalmood ah waxaa si rasmiya u daah-furay wasiirka Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Cali Cumar Maxamed (Cali xoorxoor).
Waxaana furitaanka shirkaasi ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Waxbarashadda, wasiirka Cadaaladda, iyo wasiirka caafimaadka.
Sidoo kale waxaa furitaanka shirkaasi joogay saraakiil iyo masuuliyiin ka kala socday haayadaha kala duwan ee caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradaasi.
DAAWO: W. Arrimaha Bhlshadda oo daahfurtay Xeerka xuquuqda Caruurta:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.