Hargaysa: Tababar Ku Saabsan Shuruucda Duur Joogta Oo Loo Furay Garsoorka iyo Booliska

0
499

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ayaa maanta tababar u furtay xubno ka kala socday garsoorka, Booliska, wasaaradda Deegaanka, iyo jaamacadda Hargaysa.

Tababarkaasi oo socon doona muddo 8 maalmood ah ayaa mudadda uu socdo tababarkani waxaa lagu baran doonaa Shuruucda Caalamiga iyo kuwada Somaliland u yaala ee khuseeya ilaalinta Deegaanka iyo Duur joogta.


Waxaana tababarkani qabashadiisa si wada jira iskaga kaashaday Maxkamada Sare Somaliland, wasaaradda Deegaanka JSL, iyo jaamacada Colorado University ee dalka Maraykanka.

Tababarkani waxaa so rasmiya u furay wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday isla wasaaradaasi, iyo jaamacada Colorado University ee dalka Maraykanka.

DAAWO: Warka Furitaanka Tababarkaasi:

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here