Hargaysa: Shir Ku Saabsan Bilawga Qorshe Magaaleedka Caasimadda

0
309

Hargaysa (HP): Wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo guriyaynta Somalilad ayaa guddo gaahay sidii loo bilaabi lahaa qorshe magaaleedka caasimadda Hargeysa.

Kulan qroshahaasi lagaga arrinsanayay oo maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta ee magaaladda Hargaysa, waxaa shir guddoomiyay wasiirka Hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland Musatafe Maxamuud Cali Bile.


Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka hawlaha guud waxa ka soo qaybgalay, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamuud Suldaan Aadan, duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac, iyo guddida farsamo ee hagaysa qorshe magaaleedka la rabbo in loo sameeyo magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxa mudadii uu kulanku socday warbixin lagaga dhageystay guddida farsamo ee hagaysa qorshaha la rabo in loo sameeyo magaalada Hargeysa.

Waxaana warbixintaasi jeediyay agaasimaha nashqadaynta magaalooyinka ee wasaaradda hawlaha guud Injineer Cabdiraxmaan Maxamed Aar, waxaanu faah-faahin ka bixiyay qaabka la rabo in loo bilaabo mashruucan.

Mudada uu soconayo, wajiyada kala duwan ee uu yeelanayo, iyo sida ay ugu talogashay guddidu in qorshahani uu fulo.

Gabagabadii wasaaradda hawlaha guud iyo dawladda hoose ee Hargeysa ayaa isla qaatay in Arbacada toddobaadka soo socda la isugu yimaado shir danbe.

Kaas oo lagu go’aamin doono qorshaha cusub ee magaalada Hargeysa ay yeelan doonto, iyo wakhtiga rasmi ahaan loo bilaabayo.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here