Hargaysa (HP): Safaaradda ay dawladda Taiwan ku leedahay magaaladda Hargaysa ayaa qalab kala duwan ku wareejisay Maktabadda qaranka Somaliland ee loogu magac daray madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.
Qalabkaasi oo ahaa Computero casri ah waxaa maamulka Maktabadda Siilaanyo library ku wareejiyay safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland, iyadoo uu kala wareegay agaasimaha Maktabadda Siilaanyo library Axmed Daahir.
Sidoo kale waxa munaasibadaasi goob joog ka ahaa wakiilak Somaliland u fadhiya magaaladda Nairobi ee dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.