Hargaysa: Madaxweyne Mujaahid Cali Sandheere Wuxuu U Baahan Yahay Gacan Dawladeed

0
663

Hargaysa (HP): Mujaahid Cali Axmed C/laahi (Cali-sandhere), waxa uu ka mid yahay raggii ka tirsanaa SNM ee sida weyn uga soo qayb qaatay dib u xorayntii Somaliland.
Mujaahid Cali Sandheere, ayaa si weyn loogu xasuustaa doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay halgankii xoraynta dalka.
Waxaanu ahaa sarkaalkii hogaaminayay ciidamadii ugu horeeyay ee loo yaqaanay 99 oo sanadkii 1989-kii xeebaha galbeedka ka xoreeyay ciidamadii faqashta.


Sidoo kale Cali Sandheere, ayaa ka mid ahaa saraakiishii wax ka hogaaminayay ciidamadii SNM ee u horeeyay ee soo galay magaaladda Hargaysa sanadkii 1988-kii.
Mujaahid Cali Sandheere, ayaa hadda ku xanuunsanaya magaaladda Hargaysa, kadib markii uu ku soo booday xanuun.
Sida ay noo sheegeen ehelkiisa oo aanu la xidhiidhnay.
Waxaana mujaahidka dhawaan haleelay xanuunka Faaliga (strock), oo si kediso ah ugu soo booday.
Isagoona ay xaaladiisu culus tahay, isla markaana haatan jiifa gurigiisa magaaladda Hargaysa.
Mujaahid Sandheere, ayaa u baahan cusbitaal dibadeed in loo dirro si looga soo daaweeyo xanuunka ku dhacay.
Maadaama oo uu ka mid yahay mujaahidiintii SNM ee sida weyn uga soo qayb qaatay xorayntii Somaliland.
Waxaana looga baahan yahay xukuumadda Somaliland inay gacan dawladnimo u fidiso Cali Sandheere, oo haatan u baahan daawayn caafimaad in dibadda loogu dirro.


Sida ay noo sheegeen qoyskiisu.
Taasoo ah mid ay xaq u leeyohiin mujaahidiintii iyo halgameyaashii naftoodda u soo huray qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland.
Caafimaad ayaan ALLE SWT u waydiinaynaa mujaahidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here