Hargaysa: Kulan Ku Saabsan Hab-raaca Raad Reebka Mashariicuhu Ku Leeyihiin Deegaanka

0
366

Hargaysa (HP): Agaasimah guud ee wasaaradda deegaanka iyo is-bedelka Cimilada Somaliland ayaa magaaladda Hargaysa ka furay kulan lagu gorfaynayey hab-raaca saamaynta Raad-Reebka mashariicuhu ku leeyihiin deegaanka.


Waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa wasaarradaha, iyo haayadaha ka shaqeeya arrimaha Deegaanka iyo jaamacadaha dalka qaarkood iyo ururada ka shaqeeya arrimaha ilaalinta deegaanka.
Kulankaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladu ayaa lagaga dooday mashaariicda deegaanka sidii la isaga kaashan lahaa iyo siyaasadaha deegaanka iyo hab-raacyada ka farcama.


Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo is-bedelka Cimilada C/kariin Aadan Cadde, oo si rasmi ah u furay kulankaasi ayaa ka qayb galeyaasha kula dar-daarmay in ay ka faa’iidaystaan culuumta kulankaasi lagaga doodayo.

DAAWO: Hadalkii Agaasimaha Ee Furitaanka Kulankaasi:

Sidoo kale waxaa kulan hawleedkaasi ka qayb galay Xasan Xuseen, oo ah la taliyaha arrimaha deegaanka ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.

Waxaanu furitaanka kulankaasi ka jeediyay hadal uu kaga waramay ahmiyadda ay leedahay hab-raaca saamaynta Raad-Reebka mashariicuhu ku leeyihiin deegaanka.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here