Hargaysa: Bulshadda Oo Booliska U Mahad Celiyay

0
290

Hargaysa (HP): Nin dadka Sixir ku dhici jiray oo ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaana kuwa saldhiga dhexe ee Hargaysa ay dhawaan gacanta ku soo dhigeen ayay dadweynihii u dhacay ay booliska uga mahad celiyeen.

 

Ninkan Sixiroolaha ahaa oo muddo dheer si joogto ah u hanti kala duwan uga dhici jiray bulshadda ku nool caasimadda Hargaysa, ayay dhawaan soo qabteen ciidamadda saldhiga dhexe ee magaaladda Hargaysa.

 

Waxaanay boolisku qabashadiisa kadib soo ban-dhigeen waxyaabihii uu dadka shacabka ah ka xaday, iyadoona ay tallaabadaasi soo dhaweeyeen bulshadii uu ninkaasi dhacay.

 

Maanta ayaa ciidamadda booliska saldhiga dhexe ee Hargaysa, waxay mar kale warbaahinta la wadaageen dadweynihii uu ninkaasi dhacay oo booliska uga mahad celiyay soo qabashadiisa.

DAAWO: Bulshadda Oo Booliska Uga Mahad Celiyay Nin Sixir Ku Dhici jiray Oo Soo Qabteen:

 https://youtu.be/nknlElg67-Q

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here