Hargeysa, (HargeisaPress) — Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Xasan Siciid, ayaa beeniyay war sheegayay inuu is casilay, waxaanu tilmaamay inuu xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo mansabka uu hayaba ku qanacsan yahay.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu caawa na soo gaadhsiiyay, oo u dhignaa sidan:-“Waxa aan halkan ku beeninayaa war la iga faafiyay oo ah in aan is casilay. Arrintani waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, mana jirto meel aan isku casilay ama iscasilaadayda kaga hadlay.
Dawlada aan ka mid ahay iyo xilka aan ka hayo labadaba wan ku qanacsan nahay, waana waajib qaran oo madaxweynuhu ii dhiibay ugana mahad celinayo.
Haddii Wasiirro dan gaar ah ku qabay Wasaaradda ay is casileen, ama uu Wasiir diiday in uu Tacliinta ubadkeenna iyo dhallinyarradeenna uu iska casilay kana xanaaqay Maaliyad iyo Lacag laga fogeeyay, waa arrin sumcad xumo ugu filan. Waxa aan halkan ku cadaynayaa in aanay jirin haba yaraatee Iscasilaada la iga faafiyay.”
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com