Haamaha Shidaalka Berbera oo La Sheegay In Qaar Ka Mid Ahi Fadhiisteen

0
2322

Berbera (Hargeisa Press) – Ilo-wareedyo xogogaal ah, ayaa tibaaxaya in Haamaha Kaydka Shidaalka ee Magaalada Berbera ay muddooyinkii ugu dambaysay ay qaar kamid ahi fadhiiyeen, kuwaas oo hadda aan muddo bilo ah shaqayn, isla markaana aan wax dayac tir ah lagu samayn.

Ilo-wareedyadan ayaa sidoo kale tibaaxaya in saddex kamid ah Haamaha Shidaalka Berbera ay fadhiyaan, kuwaas oo keliya la sheegay inay u baahan yihiin dayac tir kooban, haseyeeshee weli ma jirto cid u dhaqaaqday inay dayactirto si ay u shaqeeyaan.

Waxaana la sheegay in 7 hamood oo qudha ay si rasmi ah u shaqaynayeen bilihii ugu dambeeyey, kuwaas oo la sheegay inay iyaga qaarkood u baahan yihiin dayac tir deg deg ah.

Ma jiro war rasmi ah oo arintan la xidhiidha oo ka soo baxay maamulka Haamaha iyo masuuliyiinta Xukuumadda, marka laga yimaado Xoggahaas.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi  ayaa Digreeto uu saaray bishii August ee sannadkii 2018-kii  dib gacanta Dowladda ugu celiyey Haamaha Shidaalka Berbera oo ay xiligaa maamulayeen Ganacsato isku tagtay oo loo soo gaabin jiray Magacooda BOG, waxaanu Madaxweyne Biixi maal-mo kadib uu Mareeyaha Haamaha shidaalka Berbera u magacaabay Xasan Embassy, kaas oo ilaa hadda haya xilkaas.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in xiligii ay shirkaddii BOG ay gacanta ku haysay maamulka Haamaha Shidaalka Berbera ay si joogta ah u dayac tiri jireen haamaha, isla markaana sidii ay war-baahina ka sheegeen maalintii laga wareejinayey Haamaha in xiligii ay la wareegeen ay dayac tir ku sameeyeen Haamaha qaar oo markaas fadhiyey.

Waxaase xusid muddan inay ku wareejiyeen Xukuumadda 10 Hamood oo shaqaynaya, islamarkaana aanay mid keliyi wax ka qabin.

Hasseyeeshee labadii bilood ee ugu dambeeyey ayaa suuqyadda Magaalooyinka Somaliland laga dareemayay sare u kac shidaalka ah, iyadoo goobaha shidaalka lagu iibiyaa ay si joogta ah ilaa hadda u kordhinayaan mar marka ka dambaysa qiimaha lagu iibiyo halkii litir ee shidaalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here