Guuldarada qorshaha la-doonayay in lagu badbaadiyo Markabka Xuutiyiintu ku gubeen Badda-Cas

0
573

London (Hargeisa Press)- Hawlgalka ciidamada Midowga Yurub ee gobolka, ayaa soo bandhigay sawirrada markabka booyada ah, oo weli dab ka holcayo xagga sare ku dhawaad ​​laba toddobaad kadib weerarka Xuutiyiinta ee 21 August.

Howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku sugan badda cas, ayaa sheegay in shirkaddaha gaarka loo leeyahay ay joojiyeen isku daygii ay ku doonayeen in ay ku badbaadiyaan markabka shidaalka oo gubanaya, taas oo ay ku sababeeyeen in xaaladdu aannay ahayn mid ammaan ah.

Markabka MV Sounion oo laga leeyahay dalka Giriiga oo sita calanka dalka Giriiga, isla-markaana siday ilaa hal milyan oo foosto oo saliid caydhiin ah, ayaa shaqaalahu ka tageen kadib markii ay ku dhufteen gantaalo ay rideen dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen 21kii August. Dagaalyehanada, ayaa markii dambe qarxiyay walxaha qarxa oo ay saarnaayeen, waxaana ka dhashay dab badan.

Arbacadii la soo dhaafay, Xuutiyiinta, ayaa sheegay in ay ogolaadeen in markabka laga jiido Badda Cas, iyadoo laga codsaday dagaalyahanada Yemen ee Xuutiyiinta si looga hortago masiibo deegaan oo aan hore loo arag.

Hase yeeshee saraakiisha Hawlgalka Midowga Yurub, oo doonayay inay sugaan amniga jiidayaasha ku lugta leh hawlgalka badbaadinta, ayaa sheegay in “xalal kale” la sahamiyay, wallow ay natiijadu weli u muuqato mid aan lagu guulaysan.

Markabka MV Sounion oo laga leeyahay dalka Giriiga, isla markaana sita calanka dalkaa, ayaa siday ilaa hal milyan oo foosto oo  shidaalka caydhiin ah, wallow sida laga soo xigtay saraakiisha gaadiidka Baddaha ay shaqaalihii la socday ka goosteen kadib markii ay masiibadu haleeshay Markabka ee ay Xuutiyiintu la beegsadeen gantaalo ay ku soo rideen 21 August.

Dagaalyahanada Yemen ee Xuutioyiinta, ayaa markii dambe qarxiyay Markabka, iyagoo adeegsanaya waxyaabaha qarxa ee ay saarnaayeen, waxaana ka dhashay dab badan oo ka holcay dusha sare ee Markabka.

Isniintii, howlgalku wuxuu sheegay in dabku weli kasii holcayo sagxadda oo ah khanka ugu weyn ee markabka xeebbaha Cumaan.

Mareykanka, ayaa ka digay in daadashada shidaalka ee Biyaha Badda oo uu sababo Markabka Sounion, waxayna ku tilmaameen in khatartu noqon karto mid afar jeer ka badan masiibadii loo bixiyay Exxon Valdez ee  24 March 1989. Dhacdadaas oo lagu arkay in masiibadu gaadhay 2,100km (1,300 mayl) oo sababtay in xeebta Alaska ee gobolka Mareykanka laga arkay inay wasakhaysay Biyaha kaddib markii Markab shidaal oo siday 11 milyan oo galaan ku caariday xeebbaha Alaska.

Xuutiyiinta, ayaa looga caagay Biyaha Badda Cas iyo marinka muhiimka ah ee Bebalmendeb, iyagoo si isdaba joog ah u bartilmaameedsaday maraakiibta ganacsi ee mara badda cas iyo gacanka cadmeed tan iyo bishii November 2023, markii uu bilaabmay duulaanka Israel ee Qaza, waxayna tallaabada weerarada ku tilmaameen inay hiil u yihiin xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ee dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Qaza.

Bartilmaameedka Xuutiyiinta, ayaa ahaa Maraakiibta Israel, US iyo UK., waxayna dalalka xullufadda Mareykanka Badda Cas geeyeen Maraakiibta dagaalka ee ku gaashaamaan hubka Nukliyeerka, Diyaaraddaha dagaalka iyo gantaalada, laakiin qorshahooda ay doonayeen inay ku badbaadiyaan maraakiibta ayaa noqday mid waxba kama jiraan ah, waxaana iskaga cararay Biyaha Badda Cas qaar ka mid ah Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka iyo xulufaddiisa, kuwaas oo habeen iyo maalin la kulmayay weeraro xataa iyaga lagu beegsanayo.

Arrintaa, ayaa keentay jebin weyn oo maraakiibta dagaalka ee reer galbeedka si ay u difaacaan maraakiibta ganacsiga, waxayna xullufadda Mareykanka ee Israel iyo Britain qaadeen hawlgalo dhanka cirka ah oo ay duqaymaha cirka kaga fuliyeen guddaha Yemen, iyagoo beegsaday dhulka ay maamulaan Xuutiyiinta oo u baddan waqooyi-galbeed ee Yemen. laakiin weerarada xullufadda ayaa noqday kuwo sii kordhiya xiisadda oo aan wax cabsi ah ku abuurin Xuutiyiinta.

Balse, Israel ayaa duqaysay dekedda Xudaydah July si ay uga aargoosato weerar lagu hoobtay oo ay diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiintu ka geysteen Tel Aviv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here