Guul-darro Kale oo Asiibtay Boris Johnson

0
485

London (Hargeisa Press)- Ra’iisal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa mar kale maanta waxaa asiibay guul-darro culus kadib markii walaakii uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xil wasiir ku-xigeen iyo xubinnimadii baarlamanka.

Jo Johnson ayaa is-casilaaddiisa soo dhigay twitter-ka, waxaana uu sababta ku sheegay iska hor-imaanshaha danta qoyska iyo tan qaranka.

“Toddobaadyadii dhowaa waxaan u kala qeybsanaa u daacad ahaanshaha qaranka iyo qoyska, waana xiisad aan la xalin karin, sidaas darteed waa xilligii ay dad kale la wareegi lahaayeen xubinnimadeeda baarlamanka iyo wasiirnimo” ayuu yidhi Jo.

Weli ma cadda, haddii ka tagista Jo ee baarlamanka ay macnaheedu tahay inuu deg deg uga tagay ama aanu raadin doonin in dib loo soo doorto.

Is-casilaaddiisa ayaa imaneysa xilli walaalkii uu dhowaan 21 xildhibaan ka eryey xisbiga Conservative-ka, oo ku kala qeybsan qorshaha ra’iisal wasaaraha ee ka bixitaanka Midowga Yurub ayada oo aan heshiis la gaadhin.

Boris Johnson ayaa Arbacadii waxaa asiibay guul-darro kadib markii baarlamanka uu u codeeyey sharci dowladda ku qasbaya inay Midowga Yurub weydiisato in dib loogu dhigo ka bixitaanka ururka oo la wakhtiyeeyey 31-ka October.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here