Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Wadani iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Nairobi lagu soo dhaweeyay + SAWIRRO

0
589

Nairobi,(HargeisaPress) – Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali X. Xasan, ayaa maanta gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka Jomo Kenyatta Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas. Weftiga waxaa kale oo ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka Waddani Maxamed Yuusuf Axmed (Waabeeye) iyo Axmed Yuusuf Xuseen.

Safiir-ku-xigeenka Somaliland ee Kenya, Sharmaarke Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in jaaliyaddu si weyn u muujisay midnimo iyo taageero, isagoo uga mahadceliyey sida ay weftiga u soo dhaweeyeen. Waxaa sidoo kale soo dhaweynta ka qayb qaatay siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada Kenya. Weftigu waxa uu muddo ku sugnaan doonaa dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here