Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee JSL oo ka qayb galay Shirar Caalami ah, Sharaxyna Garsoorka Somaliland + SAWIRRO

0
906

Nairobi, KENYA (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee JSL ayaa ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa “Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci  ku dhisan  iyo   maamulka  ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa” (Open Law- Africa Conference 2015,  the free Access to Law in deepening  Rule of Law and Democracy ),  waxaanu ka dhacay Nariobi, Kenya, 12-13 Octorber,  waxa soo wada  qabanqaabiyay  African Legal Information Institute (AfricanLii) , SAFLII ( South African legal information institute), University of Cape Town iyo  Kenya Law.

Gudoomiyayaasha Maxakada Saree e Kenya iyo Somaliland
Gudoomiyayaasha Maxakada Saree e Kenya iyo Somaliland

Shirka labaad waxa  uu ahaa shirkii ugu horeeyay ka dhaca Africa  kuna saabsanaa isku imaantinkii ugu horeeyay ee si cilmiyaysan looga hadalo Hirgalinta sharciyada Deegaanka si loo xoojiyo maamul wanaaga, cadaalada iyo sharciga Degaanka  (1st Africa Colloquium on Environmental Rule of Law –  Towards Strengthened Environmental Governance, Justice and Law), waxaanu ka dhacay Nairobi 14-16 Octoober. Waxaana soo qaban qaabiyay  UNEP, Konrad Adenauer Stiftung iyo Machadaka Tababarka Garsoorka ee Kenya.

gud shir 5

Shirka  hore waxa maalintiisa  hore ka soo qayb galay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Wadanka Kenya, Dr. Willy Mutunga. Waxaanu ka jeediyay khudbadii furtiaanka oo  gudibinaysay fariin ah  in hadii Afrika xaga sharciga isu furto in ay khibradooda  is waydaarsandoonaan,  isla markaana  la heli doono wada shaqayn fiican iyo Cadaalada oo sare u kacda.

gud shir 4

Waxa isaguna Kalamadii furitaanka ka jeediyay Gudoomiyaha Maxkada Sare ee JSL, Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed,  isagoo ka jeediyaya khudbadan gubinaysay fariin ah in Afrika aan isku meel taagnayn laakin wax la kala barankaro sidaa awgeed waxa muhiim ah in laga yeesho Qorshe iyo siyaasad cad Guud ahaan Afrika iyo Qaybaheeda kale duwan ba .

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkada Sare waxa ay kulan Gaaban wada qaateen Gudoomiyaha Maxkada  Sare ee Kenya iyaga oo ku balamay in ay kulan dheer isugu yimaadaan Maalinta Khamiista ee 15 Octoobar si ay ugu sheekaystaan iskaashi iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.

Gudoomiyaha Maxkada Sare ee Somaliland, Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo ka Hadlaaya furitaanka shirka
Gudoomiyaha Maxkada Sare ee Somaliland, Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo ka Hadlaaya furitaanka shirka

Shirka labaad  waxa uu ku saabsanaa Hirgalinta sharciyada iyo Siyaasadaha Ilaalinta Deegaanka oo waxa hogaaminaayay Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Xaga deegaanka ee UNEP. Macluumaadka ku saabsan shirkan waxa laga heli karaa link hoos ku yaala.

Gebagebadii Shirka hore waxa la isla qaatay in Dawladaha Barig Africa ay samaystaan isku xidh iyo qorshe ay isku kaashaadaan xaga isu gudbinta sharciga iyo Go’aamada Garsoorka.

gud shir 3

Shirka labaadna waxa la raynayaa in ay ka soo baxaan qodoba Afrika ay sharciyada Deegaanka ku hergaliyaan oo la isla ogol yahay.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here