Gudoomiyaha Kulmiye & Wefdi Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhoweeyey Magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya + SAWIRRO

0
2033

Jigjiga,(HargeisaPress) —Wefdiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi oo ku wehelinayeen socdaalkiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr. Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon), Safiir-xigeenka safaarada Somaliland ee Itoobiya, Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, iyo Axmed Xaaji Daahir ayey ku soo dhoweeyeen magaalada Jigjiga Afhayeenka Baarlamaanka  Maxamed Rashiid Isaaq, Madaxweyne-xigeenka, ahna madaxa Beeraha Marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiirka Ganacsiga Cabdi Ismaaciil iyo masuuliyiin kale.

Wefdiga oo la filayo inay ilaa caawa kulan la yeeshaan Madaxweynaha Madaxweynaha  Ismaamulka dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mr Cabdi Maxamed Cumar, siduu noo xaqiijiyey Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, waxii warar ee ka kordhana dib ayaanu idiinku soo gudbin doonaa.

Imaatinka wefdiga Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi ee magaalada Jigjiga ayaa ka dambeeyey ka dib markuu u soo dhamaaday booqasho rasmi ah oo Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Md. Desalegn u soo diray ku tageen dabayaaqadii usbuucii hore caasimada Addis Ababa, kulana kula yeesheen xafiiskiisa Raysal-wasaare Mr. Hailemariam Desalegn.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here