Gudiga Ganacsatada Iyo Qurbajoogta Gobolka Gabiley Oo Ku Wareejiyey Deeq Gudiga Abaaraha

0
1136
Gobolka Gabiley

GABILEY , (HargeisaPress) —Iyadoo gudiga abaaraha gobalka gabiley ay ka soo noqdeen qiimayn ay ku samaynayeen deegamada iyo tuuloyinka waqooyi iyo koonfur ee ay abaarhu haleen iyagoo kazoo helay xog dhab ah oo u baahan  in si deg deg ah wax looga qabto iyagooo kormeerkan ay samaynayeen ay kusoo xaqiiqada iyo saamaynta kala duwan ee abaaruhu gaysteen ee waqooyi/koonfur sida ay dadku u kala dhib badan yihiin oo ay sheegen in deegamada waqooyiga xaaladoodu liidato oo ubaahan waxtar iyo wax ka qabad xaga dawooyinka iyo quutal  daruurigii ay quudan lahayeen .

 

Hadaba waxaa saaka iyaguna xaalada jira awgood gudiga aabaraha gobalkani gabiley ku wareejiyey deeq raashin oo 270  qoys raashinkood oo udhiganta lacag ahaan 11000$ deeqdan oo ay soo dhibeen ururka ganacsatada reer gabiley oo ka kooban 13 qof oo leh shirkado ganacsi oo wada leeyhiin dad kale hadaba waxa deeqdan lausoo hagaajiyey gudoomiyaha ganacsatada <cali nuur> oo deeqdan ku wareejiyey gudiga abaaraha gobalka hadaba madashan lagu kala wareejinayey waxa goob jog ka ahaa badhasaabka iyo maayarka gobalkani oo labadooduba shalay ay  kaga soo guryo noqdeen kormeer ay ku wahelinayeen gudiga oo abaaraha waqooyi iyo koonfur iyadoo labada msauul aad uga Hadley xaqiiqda dhabta ee kusoo arkeen kormeerki ay ku maqnayeen laba maalmood iyagoo usheegay warbaahinta in ay jimcaha bilaabi dooonan gudiga abaaraha gobalkani waxkaqabadkoodi oo ay fuliyeen lacagihii lagusoo hagaajiney kuna badalaan ..raashin la quuto. Biyo/dawooyin. Oo ay hawshoooda bilaabi doonaan jimcaha.

 

Sidoo kale waxa ururka alhada oo ay leeyhiin qurbajoogta reer gabiley ayaa iyaguna deeq ku wareejiyey gudiga abaaraha gobalkani lacag dhan 2044$ oo kusoo hagajiyeen muwaadin qurbajoog ah oo reer gabiley …aadna ugu mahad naqay walaalaha qurbajoogta ah ee urur  <alhada.> sida ay ugasoo baxaeen waajibkii saarnaa ee walaalnimo iyo kii islaaamkaba ah. Una sheegay deeqda ay kusoo hagaajiyeen iney sidii loo baahna ufulin doonan gudiga aabaraha oo masuul looga dhigey iney hawlaha abaarha wixii deeqo lasoo gaadhsiyey iyguna ugaadhsin doona deegamada abaaruhu haleelen .

 

Sidoo kale waxa isaguna hadal ka jeediyey gudoomiyaha gudiga abaaraha .mujaahid hasan hasan warmahaye oo u mahad naqay cid kasta ooo ku wareejiyey deeq bulsha kale ee reer gabiley eel eh ganacsatada waawayn ku fariin canaan iyo yadadiilo leh ugudbiyey kuna sheegay inay hagrasho badani ku jiro oo aanay ilaa imika wax deeq ah ku wareejin gudiga abaaraha gobalkani.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here