HARGEISA , (HargeisaPress) —Gudida Ictiraaf Raadinta Heer Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta la kulmay Guddi-hoosaadyada labada gole baarlamaan ee Wakiillada iyo Guurtida JSL kulankan oo maanta ka dhacay Hudheelka Ambassador ee Hargeysa waxa kala soo qaybgalay Gudida Ictiraaf Raadinta xubno badan oo ka tirsan xildhibaannada guddi-hoosaadyadaas oo ay horkacayeen labada guddoomiye ee Axmed Cabdi Kijaandher (Wakiillada) iyo Axmed Daahir Jirde (Guurtida).
Waxa lagaga hadlay kulankan sidii looga shaqayn lahaa dadaalka qaran ee ictiraaf u raadinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka midho dhalinta ujeedooyinka shaqada Gudida Ictiraaf Raadinta Somaliland. Waxa ugu horayn ka hadlay shirka Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire oo tilmaamay ahmiyadda baarlamaanku u leeyihiin siyaasadda ku wajahan ictiraaf raadinta iyo hababka ay uga qaybqaadan karaan.
Waxa ka mid ahaa xubnaha kale ee Gudida ee iyaguna ka shirka Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe oo ku dheeraday sida loogu baahanyahay in la iska kaashado oo laga wada shaqeeyo ujeedooyinka qaran ee ictiraaf raadintu ka midtahay iyo doorka ay baarlamaanku ka qaadan karaan. Waxa sidoo kale ka hadlay Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire, Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Amb. Raabbi Cabdi Maxamed, Prof. Maxamed Siciid Gees, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Sharciyaqaan Maxamuud Xuseen faarax.
Dhinaca kale, xildhibaannada guddi-hoosaadyada lala shirayay ee Wakiillada iyo Guurtida ayaa aad usoo dhaweeyay dhismaha Gudida Ictiraaf Raadinta iyo halka ay ka bilaabeen shaqadooda ee wadatashiga dhinacyada ay khusayso iyo abaabulka gudaha leh; waxanay gudida usoo jeediyeen talooyin iyo afkaar ku aadan dadaalka qaran ee ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa