Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ku baaqay in doorashada xiligeeda la qabto

0
1213

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa bulshada reer Somaliland ku bogaadiyay munaasibadda maalinta xorriyadda ee 26-ka June.

Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyay munaasibada xuska maalinta xoriyadda Somaliland ee 26 June, ayaa waxaa uu shacabka iyo siyaasiyiinta ugu baaqay inay u midoobaan danta guudna gacmaha isu wada qabsadaan.

Sidoo kale, waxaa uu farriin gaar ah u diray golaha Wakiillada Somaliland oo u soo jeediyey inay danta qaranka ka shaqeeyaan, bulshadii soo dooratayna si hufan ugu adeegaan.

Waxaa uu dhinaca kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka ku soo foolka leh, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay xilligeeda ku qabato doorashada.

Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay miisaaniyad sannadeedka muddo dhaafka ah ee 2024-ka ee hortaala golaha Wakiillada, isagoona ugu baaqay inay soo daayaan miisaaniyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here