Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo lagu soo dhaweeyay Deegaano hoos-yimaada Gobolka Togdheer

0
552

Burco (Hargeisa Press)- Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Deegaano hoos yimaada Gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa deeganada lagu soo dhaweeyay waxaa uu kala kulmay soo dhawayn heerkeedu sareeyo.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi oo ku lebbisan astaamaha xisbiga KULMIYE, ayaa weftiga Guddoomiyaha ku soo dhaweeyay meeqaam aad u sareeya oo aanay u kala hadhin.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shacabka deegaanadaasi u jeediyay khudbad isugu jirta mahadnaq iyo dardaaran, isagoona ku booriyay in ay codkooda la garab galaan murrashaxiinta xisbiga KULMIYE iyo xisbigaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here