Hargeysa (Hargeisa Press)– Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa maanta si rasmiya u iba-furey shirka dib-u-eegista qorshaha hay’adda shaqaalaha dowladda JSL, ee lix biloodkii hore.
Shirkan waxa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka hay’dda, guddida sarre ee hay’adaasi, agaasimaha guud iyo dhammaanba agaasime waaxeedyada hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland.
Haddaba mudadii shirkani socday waxa lagu soo bandhigey warbixin si qoto-dheer uga hadlaysa waxyaabihi qabsoomay, shaqooyinka soo bilaabmay, kuwa wali socda iyo kuwa qorshaysan sannadkan inta ka hadhay haddii ILLAAHEY yidhaahdo, caqabadaha lala kulmay, casharadii laga bartay, tallooyin iyo fikrado ku saabsan qaabkii looga gudbilahaa caqabadaha jira, waxaana la isla qaatay in celcelis ahaan 80% ay qabsoomeen shaqooyinkii loogu talo galay lixbiloodkii hore ee sannadka.
Sidoo kale waxaa kullanka lagu falanqeeyey barnaamijyadda u qorshaysan Hay’adda Shaqaalaha ee ay ka mid yihiin;
1. Qorshaha afarta sanno ee soo socda ,2026-2029
2. Barnaamijka isku jaangoynta Qaab-dhismeedka iyo shaqo qeexitaanada kaalmaha shaqo ee Hayad iyo Wasaarad kasta.
3. Barnaamijka dhamaystirka xogta shaqaalaha Dowladda ( personal files) oo ah mid hard and soft copy ah.
4. Hirgalinta nidaamka Xaadiriska casriga ee shaqaalaha dowladda ( cloud based fingerprinting system).
5. Hirgalinta nidaamka goobaha muwaadiniintu ka heli karaan adeega dowladaa ee gobolladda dalka (Government Services Citizen Access Points).
6. Dhamaystirka Xeernidaamiyaasha Xeerka Shaqaalahu dowladdu timaamayo.
7. Dib eegista xeernidaamiyaha fasaxyadda dhaadheer ee shaqaalaha dowladda.
8. Dhamaystirka shaqooyinka Hay’adda Shaqaalaha kaga xidhan Hay’adda Hawlgabka.
9. Dardargalinta iyo korjoogtaynta saacada shaqada iyo komeerka gobollada iyo degmooyinka.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, ayaa ku bogaadiyey waaxaha dadaalkooda, isagoo ku booriyay in si wadajir ah loo sii xoojiyo adeegyada lagu horumarinayo tayada shaqaalaha dowladda.