Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood iyo dibad-baxyadii sababay dhimashada iyo dhaawaca.
Guddoomiye Khaliif, ayaa sidoo kale eedaymo kulul u jeediyay Xukuumadda Somaliland, isagoo ku eedeeyay in maamul xumo ay ku kacday ay sababtay kacdoonada magaalada Laascaanood.
Waxaa uu sheegay in Xukuumaddu qaabka ay uga jawaabtay xiisadda ay qayb ka ciyaartay kacdoonka, isagoona sheegay in hadallada masuuliyiinta xukuumadda iyo talaabooyinka Ciidamada Amaanku ay xaaladda uga sii dareen.
Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxaa uu xusay in illaa hada ay dibadbaxa ku dhinteen 8 qof, lana jaray Khadka Internetka, isla markaana Korontada magaalada la jaray saacadaha qaarkood, taasi oo uu ku tilmaamay ku xad gudub xuquuqda aadanaha ah oo ay xukuumaddu samaysay.
Masuuliyada sugida amaanka magaalada Laascaanood, ayuu sheegay in ay leedahay xukuumadda Somaliland, lagana rabo in Sirdoonka iyo Ciidamada Booliska ay wax ka qabtaan dilalka ka dhacay Laascaanood.
Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxaa uu sheegay in uu hore Madaxweyne Muuse Biixi ugula taliyay in uu dadka gobolka kala tashado cida ay rabaan inay maamulkooda u dhiibtaan, isla markaana ay qaar kamid ah dadka magaalada Laascaanood ka qaybgaliyaan ilaalinta amniga.
Si kastaba, Xaaladda magaalada Laascaanood, ayaa degan, kadib markii xukuumadda Somaliland ay dib u soo celisay amnigii magaalada, iyadoona ciidamada amaanku ay gaaf wareegayaan jidadka magaalada si ay u sugaan amaanka guud.