Guddiga Nabadaynta Shaqaaqadii Beelaha Selel Oo Gaadhay Saylac

0
544

Saylac (Hargeisa Press): Guddiga nabadaynta ee madaxweynaha Somaliland u saaray xalinta shaqaaqadii labadda beelood ku dhex martay degaanka Wada-jir oo ka tirsan gobolka Selel ayaa xalay halkaas gaadhay.

Guddigan nabadaynta oo ka soo kicitimay magaaladda Boorama waxaa hogaaminaya wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, iyadoo ay wehelinayaan xubno mada dhaqameed ah.

Weftigaasi markii ay gaadheen degaanka Fiqi Aadan ee gobolka Selel si diiran loogu soo dhaweeyay bulshadda degaankaasi iyo madax dhaqameedka.

Waxaanay madax dhaqameedka Selel u cadeeyeen wasiirka iyo weftigiisa in ay diyaar u yihiin qaadashadda nabadda, isla markaana wixii dhib ah ee dhacay laga wada hadli doono.

Wasiirka wasaaradda biyaha Saleebaan Cali Koore, oo ah guddoomiyaha guddigaasi nabadaynta beelaha ayaa uga mahad celiyay madax dhaqameedka iyo bulshadda degaamadda gobolka Selel sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.

Halkan ka Daawo Hadaladii Madax Dhaqameedka iyo Wasiirka Biyaha:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here