Laascaanood (HP): Guddiga abaaraha gobolka Sool ayaa maanta shirkadda Dahabshiil Group kala wareegay 4000 oo Booyadood oo biyo ah oo ay shirkadu kaga qayb qaadanayso caawinta dadka abaartu saamaysay.
Waxaana caawimadaasi kala wareegay badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha heer gobol, oo ay wehelinayeen xubno guddigaasi ka mida.
Dhinaca shirkadda Dahabshiil waxaa caawimadaasi guddiga abaaraha gobolka Sool ku wareejiyay guddoomiyaha Dahabshiil Group ee magaaladda Laascaanood.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.