Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxa sabtidii Kulan Caalamiya dalka Jamaica Ugu amba baxay xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada JSL oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddida ilaalinta iyo dabagalka Hantida qaranka ee Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Cali Xirsi waxaana ku wehelinayay laba Xubnood oo kale oo kala ah Xildhibaan Naasir Cali shire iyo xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari).
Gudoomiyaha weftigan safarka ugu baxay dalka Jumaica ayaa sheegay inay u baxayaan Kulan Caalami ah oo Gudida Dabagalka lagu soo casuumay laguna baran doono nidaamka dawlada iyo Baarlamaanadu u wada shaqeeyaan, sida si Banyaalnimo Iyo La xisaabtan ah (Accountability and Transparency) xukuumada loogu dabagalo shaqadeeda iyo sida Gudidan Dabagalku u shaqayso, isla markaana waxa uu sheegay inay ku maqnaan doonaan muddo 6 maalmood ah.
Waxa iyaguna safarkooda kelmado kooban ka sheegay labada xildhibaan ee ku wehelinayay safarka.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com