Guddida anshaxa ee Doorashooyinka Somaliland oo ganaax ku riday Urur-siyaasadeedka Horseed

0
1715

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo kormeerka Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ganaax lacageed ku riday Urur Siyaasadeedka Horseed.

Guddida anshaxa iyo kormeerka ee Doorashooyinka Somaliland oo war-saxaafadeed soo saaray, ayaa waxaa ay urur siyaasadeedka Horseed ku xukumeen ganaax lacageed oo dhan 20 milyan oo shillinka Somaliland ah.

Sidoo kale, guddida anshaxa iyo kormeerka ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa uga digay Xisbiyada qaranka iyo Ururrada siyaasadda in ay sameeyaan olole habeenimo ah.

Guddida anshaxa iyo kormeerka ee Doorashooyinka Somaliland, hore waxaa ay ganaaxyo lacageed ugu rideen qaar ka mid ah Xisbiyada iyo Ururrada ee dalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here