Golaha Wakiillada Somaliland oo war kasoo saaray dacwadii Xildhibaan Maxamed Abiib

0
1888

Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa uu war cusub ka soo saaray dacwadii xilka xayuubinta ahayd ee laga gudbiyay Xilldhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.

Xeer Ilaalinta guud ee Somaliland, ayaa 16-kii bishan July, waxa ay dacwad xilka xayuubin ah ka gudbiyeen Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland.

Xeer ilaalinta qaranka, ayaa mudanayaasha golaha Wakiillada u soo jeediysay in Xildhibaan Maxamed Abiib xilka xayuubin lagu sameeyo.

Warqad dacwad ah oo uu ku saxeexan yahay Garyaqaanka guud ee Somaliland ayay xeer ilaalintu ku codsatay in xilka laga xayuubiyo Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xeer Ilaalinta qaranka, ayaa warqada dacwada ee ka dhanka ah Xildhibaan Maxamed Abiib u gudbisay Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Hadaba, Golaha Wakiillada Somaliland oo soo saaray war-saxaafadeed, ayaa mudanayaasha golaha iyo shacabka Somaliland la wadaagay talo-bixinta la-taliyeyaasha sharci ee golaha ee la xidhiidha dacwada Xildhibaan Maxamed Abiib.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here