Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddi-hoosaadka Khayraadka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta isugu yeedhay Shirkadaha Laydhka siiya Xaafadaha Magaalada Hargeysa, ka dib markii Toddobaadyadii u dambeeyay oo dhan ay Dadweynuhu ka cabanayeen Qiimaha Laydhka ee aad u sareeya.
Guddi hoosaadka Khayraadka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Masuuliyiinta Shirkadaha waydiiyey su’aalo la xidhiidha waxa ku kelifaya inay Laydhka Qaaliyeyaan, halka Saxaafadduna su’aalo arrimahaa ku saabsan waydiiyeen.