Hargaysa (HP): Xildhibaanadda golaha Guurtidda Somaliland ayaa ugu baaqay xisbiyadda siyaasadda dalka in ay ilaaliyaan nabad-geliyadda kana fogaadaan wixii nabadda wax yeelaya.
Sidoo kale golaha Guurtidu waxay ku adkeeyeen madaxda xisbiyadda siyaasadda ee khilaafku ka dhexeeyo in ay iska daayaan hadaladda naxliga ah ee bulshadda sii kala fogaynaya.
Baaqan ay soo saareen xildhibaanadda golaha Guurtidda Somaliland waxaa fadhigii maanta ee golahaasi ka hor akhriyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi Siciid Jaamac Cali, fadhigaasi shir guddoominayay.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.