Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Ajandaha Kal-fadhigoodda 77aad

0
558

Hargaysa (Hargeisa Press): Mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod gacan taag ah ku ansixiyay ajandaha kal-fadhigoodii 77aad ee golahaasi.
Iyagoo dhanka kalena warbixino ka dhagestay guddida hoosaadka joogtada ah ee golahaasi.
Fadhigii maanta ee golaha Guurtida waxaa shir-gudoominaayey gudoomiye ku xigeenka koowaad golahaasi Siciid Jaamac Cali, ayaa mudanayaasha golahaasi waxay cod gacan tag ah ku meelmariyeen ajandahooda kal-fadhiga 77aad.
Waxaana fadhigaasi ka soo xaadiray 46 mudane, oo ka mid ah 82 mudane ee golahaasi Guurtidda Somaliland ka kooban yahay.
Markii codka gacan taagga loo qaadayay ajandaha kal-fadhigoodii 77aad ee golahaasi waxaa ogolaaday 41 mudane, waxaana diiday 2 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2 xildhiban, guddoomiyuhuna ma codeyn.
Sidaas ayaanay mudaneyaasha golaha Guurtiday ku meel mariyeen ajandaha kal-fadhigoodaasi.
Dhinaca kale mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa isla maanta waxay warbixin ka dhageysteen guddi hoosaadka joogatada ee golahaasi.
Guddigaasi oo hawl-galaysay intii u dhaxaysay labada kalfadhi, oo kulanno xog waraysi ah lasoo yeeshay xubno ka mid ah mas’uuliyiinta qaranka ee Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here