“Gobolka Gabiley waa gobolkii fartiisa eeday imika wuxuu diyaar u yahay”…

0
409

Gabiley (HP): Siyaasi Xamse Maxamed Khayre, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa bulshadda gobolka Gabiley ku booriyay in ay doorashooyinka soo socda codkooda u meel dayaan.

Waxaanu sheegay siyaasi Xamse, in bulshadda gobolka Gabiley markii ay xisbiga Kulmiye ay u codeeyeen in aanay waxba ka faa’iidin, isla markaana ay Fartoodii eedeen.

Sidaas darteedna aanay dadweynaha reer Gabiley mar danbe diyaar u ahayn in ay fartoodda eersadaan ayna diyaar u yihiin in ay u codeeyaan xisbiga rejadda shacabka ee Waddani.

Siyaasi Xamse Khayre, ayaa bulshadda Gabiley u iftiimiyay in ay codkoodda doorashooyinka soo socda u meel dayaan, si aanay mar kale hungo ugu dhicin.

DAAWO: Siyaasi Xamse Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

https://youtu.be/w2L3jzgvhUY

 

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here