General Axmed Xasan Muuse oo Ku Geeriyooday Dalka Mareykanka

0
1145

Washington (Hargeisa Press)- Waxaa caawa dalka Mareykanka ku geeriyooday alle ha u naxariistee Axmed Xasan Muuse, oo ahaa sarkaal xilal kala duwan ka soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaalida.

Marxuum Axmed Xasan Muuse, ayaa waxaa xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Mareykanka, iyadoo caawana uu halkaasi ku geeriyooday.

Axmed Xasan Muuse, ayaa ka mid ahaa saraakiishii aasaasay Ciidankii Jamhuuriyadii Soomaalida, isagoo markii dambena ka mid ahaa 25 sarkaal ee ugu sarreeyay xukuumaddii Kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

General Axmed Xasan Muuse, ayaa xilal wasiir ka soo noqday xukuumaddii kacaan, waxana lagu xasuustaa dhismaha waddada isku xidha Burco iyo Berbera oo uu gacan weyn ka gaystay dhismaheeda.

Marxuumka, ayaa waxaa uu sidoo kale buddhig u ahaa aasaaskii Somaliland, waxaanu marxuumku ku dhashay magaalada Burco.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay geerida Marxuum Axmed Xasan Muuse, isagoona ka tacsiyadeeyay qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

Wasiirka, ayaa waxa uu ku timaamay marxuum Axmed Xasan Muuse inuu ahaa sarkaal taariikh weyn ku lahaa ciidammada, isla-markaana ka mid ahaa saraakiishii aasaastay ciidankii dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here