Garoonka Diyaaradaha Hargeysa Oo Qaab Casri Ah Dib Loogu Dhisayo

0
422

Dubai,(HargeisaPress) –Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Dubai ku kala saxeexday heshiis dib-u-dhis iyo casriyayn lagu samaynayo Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Mudane Fuaad Axmed Nuux ayaa la saxeexday Shirkadda Maalgashiga Caalamiga ah ee International Maharat Investment, Heshiiska Dhismaha iyo Casriyaynta Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Egal International Airport.

Heshiiska dhismaha Madaarka oo ku kacaya qiime dhan $70 MN Toddobaatan Milyan oo Dollar ayaa maanta lagu saxeexay Xarunta dhaqaalaha caalamiga ah ee Dubai (Dubai International Financial Center – DIFC).

Mashruucan ayaa noqonaya maalgalintii ugu balaadhnayd ee lagu sameeyo Kaabayaasha Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland iyo mashruuca labaad ee ugu wayn maalgalin dibadeed DP World kadib, waxaana shaqada Dhismaha Madaarku bilaabmi doontaa 6 Billood gudahood marka la saxeexo Heshiiska.

Heshiiskan oo uu saxeexay Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumaddu ugu jirto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhinaca duulista iyo xidhiidhka caalamiga ah. Waxaana Madaarka xukuumaddu ay rabtaa inuu noqdo mid la jaanqaadaya garoomada caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here