Ganacsato Dibadbax Ka Dhigay Magaalada Laascaanood

0
568

Laascaanood (Hargeisa Press)- Ganacsatada yaryar ee ku ganacsaday meheradaha magaalada Laascaanood, ayaa maanta dibad-baxyo dhigay.

Isu soo baxan ayaa waxa keenay kaddib markii qorshe ay wada fulinayaan Wasaaradda hawlaha Guud ee Somaliland iyo dawlada Hoose oo lagu banaynayo barxada wadooyinka waaweyn ee magaalada dhexmara si loo soo saaro.
Dadkan mudaharaadayey ayaa watey looxaan ay ku soo qoreen weedho cabasho ah waxaanay ku dhawaaqayeen in ayna waxba uga danbayn meel ay u barakacaana oo aanay ka danbayn.
“Waxaan caruurta ku korsanaa waxa yar ee aan meelahan ka helo, maanta hadaan halkan ka tagno ayaa damaanad qaadaya dhibaatada caruurtayada haysata”sidaa waxaa tidhi Raxma Cabdilaahi oo ka mid ah dadka banaanbaxa wadey.
Banaynta sandaqadaha iyo cooshadaha ayaa ah sida ay Masuuliyiinta Hawlaha Guud xaqiijiyeen in wixii baarkinka laamiga saaran ay dib u tagaan oo ay ka durkaan khatarta wadada.
“Dadka waxaan u  sheegnay in ay degaan booska labaad si ay uga nabadgalaan shilalka gaadiidka, bilicda magaaladana in kor loo qaado labadaas ujeedo ayay  hawshani leedahay” sidaa waxaa tidhi Farxiya Shaahdiid isuduwaha  wasaarada hawlaha guud ee Somaliland ee gobolka Sool.
Dadka arimahan indhaha ku  haya ayaa waxay dhibaato ku tilmaameen in ay tahay mudada isbedelka baahida soo food saaraysa dadka danyarta ah, balse waxaa ay hoosta ka  xariiqeen in faa’iido muhiim ah ay bulshada iyo magaaladaba u tahay.

Hargeisa Press.com/Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here