Gabiley Illaa Hargeysa: Meydadka Laba Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur

0
1149

Hargeysa, (HargeisaPress) —Laba Qof ayaa ku Dhintay Shil baabuur oo shalay  Galinkii hore ka dhacay Waddada u dhaxeysa Hargeysa Iyo Gabiley.

 

Muuqaalo gargax badan oo lagu baahiyay Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ayaa  waxaa ka Muuqday laba Nin oo Mayd ah Islamarkaana uu la Dhacay gaadhi yar oo Nooca VITZ ah oo ay saarnaayeen.

 

Muuqaalka waxaa kale oo ka muuqday in Maydadka labadaasi nin uu gaadhi la dhacay Wakhti hore  oo shalley ah islamarkaana dadka Waddada maraya  aanay  arkayn Gaadhiga waddada ka baxay ee rogmaday.

 

Ciidamada Taraafiiga iyo Dad Gurmad ah oo shalley goobta shilku ka dhacay tagay mar dambe waxaa ay  halkaasi  ugu tageen Laba nin oo mayd ah.Askari ka mid ah ciidamada Booliiska iyo dadkii Goobta tagay ayaa sheegaya in Gaadhiga dhacay uu ka mid ahaa gaadiidka Jaadka kasoo qaada Magaalada Wajaale.

 

Ciidamada Nabadgalyada wadooyinka Somaliland Wali wax war ah kama soo saarin Shilkan, balse waxaa inta badan soo noqnoqda Shilalka Gaadiidka yaryar ee VITS.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here