Hargeysa, Soo dhaweyntii Ugaas Cabdirashiid, Ugaas Rooble, Ugaas Doodi waxay ahayd maalin kale oo muujinaysay wadajir iyo midnimadda Somaliland. Sida aynu la wada soconay abaabuulka soo dhaweynta ugaaska, waxa si weyn looga dareemayay guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland. Waxaana xiiso gaar ah uyeelay laba arrimood; Arrinta koowaad; Saldanadda Gadar-buursi ee uu taashka hadda usido Ugaas Cabdirashiid oo ka mid ah Saldanadaha ugu faca weyn Soomalida dhexeeeda iyo geeska Afrikaba, iyadoo leh taariikh dheer oo ka soo bilaabanta 1607 kii, wakhtigaas oo ugaaskii koobaad ay beeshu caleemo saartey.
Arrinta labaad ee xiisaha uyeeshay soo dhaweynta ugaaska oo ah xaaladda siyaasadeed ee wakhti xaadirkan ka dhex aloosan Somaliland iyo Dawlada Federaalka Soomaliya (DFS) ee taagta daran oo miciin ka dhigatay burburinta iyo iska horkeenka umadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Safarkani wuxuu ka nixiyey cid kasta oo shaki kaga jirey mawqifka Ugaaska, taas oo dawlada Federaalka Somaaliya ay kow ka ahayd islamarkaana ufahantay si qaldan iskuna dayday in ay uga faaiideysato iyadoo ku qarinaysa ceebaha iyo fashilka dublaamaasiyadeed, siyaasadeed, amni, iyo musuq-maasuq ee wakhti xaadirkan dul-hoganaaya dawlada fadhiidka ah ee calankeedu sii dhacayo. Iyadoo dhanka Kalena, adduunkii fahmay in Somaliland aqoonsigeedu uu xal unoqon karo xaaladda cakiran ee Soomaliya iyo geeska afrika intaba, taas oo wadamo badan ay hormood ka yihiin wakhti xaadirkan taasina ku abuurtay DFS xiqdi iyo nolol quudhi waa.
In kastoo ay Xukumadda Madaxweyne Cirro si meeqan sare ah usoo dhaweysay Ugaaska guud ee Gadar-buursi, balse isweydiintu waxay tahay, waa maxay fursaddaha wakhti xaadirkan labadda dhinac ugu jira (Xukumadda JSL iyo Ugaas Cabdirashiid)? Waxaan qabaa in ay jiraan fursado waaweyn oo ay tahay in labadda dhinac ba faaiiddo ugu jiri karto. Maadama oo aynu ognahay fursadha dublamaasiyadeed ee hadda JSL horyaala iyo dibin daabyooyin ay DFS ay waddo oo ubaahan in labadda dhinac udhug yeeshaan. Fursadahan waxay kala yihiin;
1. Dhanka gudaha: Ugaas Cabdirashiid wuxuu qayb-libaax ka qaadan karaa kana caawin karaa xukumadda Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro) in uu meesha ka saaro mad-madow kasta oo siyaasadeed oo ka dhex jiri kara xukumadda iyo beelweynta Gadarbuursi oo madaxweynaha Cirro iyo xisbigiisii taageero cod oo balaadhan siiyey doorashadii madaxtooyadda ee 2024 kii. Ugaasku wuxuu samayn karaa dedaalo uu ku xanaf tiri karo ama ku qancin karo cid kasta oo beeshisa ah oo qawadsan/ama wax ka tirsanaysa dawladda JSL gudde iyo dibedba.
2. Waxa kale oo uu ka qaybqaadan karaa dedaaladda xukumaddu ugu jirto nabadeynta colaadda ka jirta goboladda Sool iyo Sanaag Bari. Wuxuu gacan ka gaysan karaa dedaaladda ay wadaan xukumaddda Cirro iyo Isimadda dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya ee ku aadan sii deynta maxaabiista ku xidhan Laascaanood iyo Madheera iyo sidii dib loogu furi is-dhexmarka labadda dhinac. Sidoo kale, waxa uu kala qayb-qaadan karaa dedaaladda ku aadan midnimadda beelaha JSL, horumarka, amniga iyo dublamaasiyadeed ee xukumaddu wakhti xaadirkan dalka ka waddo.
3. Dhanka dibedda: marka la eego dhanka arrimaha dibedda, Ugaas Cabdirashiid wuxuu gacan ka gaysan karaa hirgalinta heshiiskii/Is-fahamkii badda (MOU) Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya maadama oo uu labadda dawladoodba ugaaskoodi yahay. Waxa uu hormood unoqon karaa gole-dhaqan oo ka kooban dhamaan JSL oo xukumadda kala shaqeeya arrimaha ictiraaf raadinta islamrkaaana dhigooda wadamadda Afrika kala hadli kara/ku qanciya qadiyadda Somaliland.
Wabillahi tawfiiq!
Qalinkii: Axmed Cabdi Wacays

















