Fiqi: “Safaaradda Itoobiya meesha ay ku taallo lagama dhaqaajin karo”

0
1024

Muqdisho (Hargeisa Press)- Soomaaliya, ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ka hadashay Safaaradda ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalada Muqdisho ee ku dhextaala madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa waxaa uu sheegay Soomaaliya in ayna raali ka ahayn, in safaaradda Itoobiya ay ku dhextaalo gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Fiqi, ayaa dhinaca kale sheegay in Soomaaliya aanay hada ku deg-degayn in Itoobiya ay amraan inay ka guuraan madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa uu ku andacooday in uu go’aankani saameyn ku yeelan karo safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya oo uu sheegay inay ku taalo meel muhiim ah.

Sidoo kale, wuxuu ku dooday in Soomaaliya ay miiska u saaran yihiin go’aamo uu ku tilmaamay Nuglear options, kuwaas oo uu sheegay inay kow ka yihiin in ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya, kowda bisha Janaury, haddii ay joojin waayaan heshiiska ay kula jiraan Somaliland, sida uu ku andacooday.

Wuxuu sheegay in ay Soomaaliya badsaneyso xulafadeeda si ay garab uga hesho haddii Itoobiya ku adkaysato inay ka dhego adaygto joojinta xad gudubyada ka dhanka ah wax uu ugu yeedhay madax bannaanida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here