Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag kaga hadlay arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya, gaar ahaan, ta hoggaanka guddiga xubnaha ka soo jeeda Somaliland.
Faysal Cali Waraabee, ayaa waali ku tilmaamay dadka leh doorashadii Somaliland ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa ka dhacaysa magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wax aan suurtagal ahayn ay tahay in Xamar lagu dhiso guddi metalaya Somaliland.
“Maanta Xamar waxa ka socda doorashadii Somaliland ee aqalka sare iyo aqalka hoose, in ay dadku waalanyihiin ayaan idiin sheegayaa, bal dadkan caga badnaanteenu inoo gaysay 1960 waa cagliga maanta ku leh gudidii doorashooyinka Somaliland ayaa la samaynayaa bisha todobadeeda” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID.
Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku baaqay in Somaliland, gaar ahaan golaha Wakiillada inay waxka qabtaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee ololaha ka wada magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay ku qadhaabanayaan magaca Somaliland.
“Ilaa shirkii Carta ee 2000 ayay bilaabeen in ay qaar ina sheegtaan oo magaceena heshiisyo ku galaan, waxan baarlamaanka cusub leeyahay 75% sharciyada in ay dowladu soo saarto weeyaan oo baarlamaankuna ka eego, dowladu waxba soo saari wayde howshaasi idinka ayay idin haysataa” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa marar kala duwan xukuumada Somaliland iyo golayaasha sharci dejinta ugu baaqay in ay sharci kasoo saaraan dadka ku eedaysan in ay xidhiidh la leeyihiin dowlada Soomaaliya.